TACSI GEERIDA PROF. MUUSE ABDI ELMI SAMATAR

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, xaaska, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum Prof. Muse Abdi ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa maamulka iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa ee uu Guddoomiyaha ka ahaa marxuumku.
Alle ha u naxariistee Prof Muse Abdi Emi Samatar, waxa gaadhi kula gadoomay dariiqa Berbera-Hargeysa, isagoo soo dhoweynaayey xaaska iyo caruurtiisa oo Yurub fasax uga yimid Isniintan 11/07/2011.
Prof. Muuse waxuu ahaa aqoonyahan u soo laabtay inuu aqooontiisa dalkiisa ku horumariyo, waxuuna wax weyn ka taray hagaajinta iyo horumarinta Jaamacadda Hargeysa maamul ahaan iyo tayo-aqooneedba.Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Eci.advisor@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/