Gudigii shalayna xaaraan kuwa maantana xalaal lagaa yeeli maayo!

Eng. Maskax
Xiligii xukumadii Rayaale hogaamiyayaasha Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye waxay sida fiinta uga qaylin jireen gudi loogu yeedhi jiray gudiga nabadgelyada (heer qaran ilaa heer degmo)oo ay ku tilmaami jireen inay yihiin xaaraan jiritaankoodu gef iyo meel-ka-dhac ku yahay distoorka Somaliland (gudigan waxa xubno ka ahaa madaxda ciidanka sirdoonka oo aan distoorka dalku si cad u qeexin jiritaankooda).
M.Siilaanyo oo ahaa hogaamiye mucaarida wuxu si ba’an u dhaleecayn jiray gudigii nabadgelyada ee dalka ka jiray xiligii Rayaale wuxuuna fagaareyaal badan ka balanqaadey markuu ku guulaysto kursiga madaxtooyada inuu gudigan tirtiri doono isagoo ku celcelin jiray inaaney meelna ka soo gelin qaanuunka dalka balse loo samaystey loona adeegsado aargoosi ga,iska xidhxidhka iyo xukunka muwaadiniinta aan xukumada taageersanayn.
Waxa la yidhi magaalo kheyrkaa u cay adna ha deyn!allayle wax la canbaareeyaba waxaan muhmal ku jirin in maanta xukumadda Siilaanyo ka maarmi weyday sharciyadna uga raadinayso golayaasha qaranka gudigii nabadgelyada ee ay ka qaylin jireen mudadii 8da-sanadood ee Rayaale maamulka dalka hayey,waajibaadka gudigani loo abuurayo waxa la filaayaa inuu la mid noqon doono kii ay fulin jireen gudiyadii nabadgelyada ee xukumadii Rayaale .Waxa xusuus mudan in madaxweyne Siilaanyo markuu la wareegtay talada dalka ku dhawaaqey baabi’inta gudigii nabadgelyada heer qaran ilaa heer degmo ururada xuquuqul insaanka caalamkuna ku amaaneen talaabadaa balse iminka bilowday inay dib u rakaabiso gudigii Rayaale kalsoonida bulshada ku waayey tolo xaggay salaadu ka xidhmi la’dahay?.
Tirtirida gudigani waa mid ka mida balanqaadyadii madaxweyne Siilaanyo ololaha doorashada ku galay bulsho badanina cod ku siiyeen,yeelkeede haddii gudigani gudigii nabadgelyada ee xukumadii Rayaale oo kale yahay waaba yahaye talaabadani waxay hordhac u tahay fashilaad ku timi xukumada Siilanyo balanqaadyadiisuna waxay u eekanayaan qiiro iyo jibo aan wax macna samaynayn,waxay kaloo qadiyadani ka horimanaysaa hadafka iyo himilooyinkii aan higsanaynyay ee ahaa in isbedel wax ku ool ahi dalka ka dhaco,si kale hadaan u dhigana waxay muujinaysaa in xukumada Siilanyo ka baaqsatey hirgelinta iyo fulinta barnaamijyadii bulshadu ugu codeysay.
Hadal gun buu leeyahaye Gudigan sharciyada loo raadinayaa waa maxakamad dadban oo awood u leh in ciday doonaan xidhaan iyagaan waaran maxakamad haysan amaba weydiisan mudo aan sugnayn,waxay kaloo awood u leeyihiin in muwadinkii ay ka shakiyaan xidhi karaan toosna xabsiga ugu dhaadhicin karaan kuna hayn karaan mudaday rabaan(mudo aan cayinayn),sidoo kale haynta qofka la tuhmo iyadaan wax eeda ama markhaatiya loo hayn iyana waa la mid taasina waxay gef ku tahay shuruucda iyo xeerarka ciqaabta oo denbi dhaca oo aanay wax ka odhanaynin aanu jirin tuugo ama ficil kaleba ha ahaatee.
Hadal murti buu ku go,aaye waxay gudigan sharciyada loo raadinayaa muwaadinka duudsiyi karaan xoriyadihiisa dastuurku u damaanqaaday,waxay mamnuuci karaan ama diidi karaan isu-soo-baxyada salmiga ah ee muwaadiniintu dareenkooda ku muujinayaan,muxaadarooyinka diiniga iyo wixii la mid ah.Waxaa nasiib daro ah in wixii shalay madaxweyne Siilaanyo iyo saaxiibadii ku tilmaami jireen inay yihiin xaaraan ay xalaaloobeen maanta markuu kursiga madaxtooyada fuulay yeelkeede waynu eegi halka doodani ka fad kudiso inkastoo la filan karo inay golaha wakiilada gudihiisa ku banjarto,golaha wakiiladana waxan cod dheer ugu baaqayaa inay u hiiliyaan xaqa muwaadinka kana hiiliyaan xaqdarada.
Wa bilaahi tawfiiq
ENG: MAXAMED JAAMAC AXMED (MASKAX)