Warqad furan oo ku socota Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi

 
Sheeko Somaliyeed ayaa odhanaysa ninba hal maslo weydiiyey nin uu aqoon badana uu ku tuhunsanaa wuxuu yidhi:
1-      Waxaad ii sheegtaa cadaabta iyo jannadda midka aan geli doono
Wuxuu ninkii ugu jawaabay sidan:
Cadaabta iyo janadda mida aad geli doonto waxaad ku garan doonta kolba sida dadku ku hadal ahayo, haddii ay dadaku ku yidhahadan waa mid habar-qabe aha, waa nin xun, waa mida wanaagu ka fog yahay, iwm, waxaad geli cadaabta, haddise ay ku yidhahaddaan, waa nin wanaagsan, waa nin dadku jecelyihiin iyo iwm marakaan Janadda ayaad geli.
Muddane Wasiir, waxaan sheekadan ugu socoda dadku waxay kugu xantaan in aad tahay nin ka fog musumaasuqa, wax is daba marinta, Waxaad tahay, nin aamin ha oo wixii loo dhiibo loogu yimaado, nin shaqadda uu qabto si hufan oo daacad ah u guta. Sida awgeed, waxaan kugula talin lahaa in aad ilaashato summcaddada wanaagsan oo haddii aad hawasha lagu igmaday ee Wasiirka Maaliyadda aad wadi kari weydo aad si nadiif ah uga tagto.
Maanta masuuliyadda aad u hayso Qaranka Somaliland waa mid ay dadku si fiican uga dheregsan yihiin, waxqabad fiican oo lagu diirsado ayaad muujisay sanadkii aad haysay xilkan, waxaad mushaharkii kordhisay 100%, waxaay shaqaalaha dawladu qaadtaan mushaharkood maalinta bishu dhamaato.
Iyada oo ay taasi jirto hadan maalmahan waxa soo baxay hadal haynta ha in miisaanaydii ku talogalka ahay ay is dhintay sida ay qorayaan saxaafadda xorta ah ee Somaliland “Inta la ogyahay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu soo saaray Digreetooyin uu ku hakinayo Isticmaalka Kharasaadka lagu wado hawl maalmeedka Xafiisyada Dawladda, taasoo sababtay in ay istaagaan dhamaan hawlihii qaranku ku kala socday isla markaana ay noqdeen inta badan” (Xigasho waaheen).
Marka Missanaydda la samaynayo waa furan tahay in miisanadda lagu xidho laba siyaabood midkood
1-      Isdhimid miisanyadeed (budget deficit)
2-      Soo bixid qiimo dheeraad ah (budget surplus)
Labadan siyaabood ayay ku xidhantaa miisanayadu mid khalad ahina ma jirto, waayo, labaduba waa furan yihiin oo waa qorshaha dawladeed ee nidaamka dhaqale ee dawaladu ku talogashay inay ku shaqayso taasi oo salaka ku haysa hab-wareega dhaqaalaha  (Economic cycle).
Markan u kuurgalay wax ii muuqatay in qorshe siyaasad dhaqaaleed aanu jirin habayaratee oo ay xukumadda ka leedahay in ay waxkaga qabato arrimha dhaaqalah ee wadanka ka jira.
 
Waxay u muuqata in dhibaatadan maanta taagan ee ah in xukumadu ay ku-talogalkii miisanayda ee saddexdda bilood uu isdhimo, in ay ku timid labdan siyood midkood:
1-       Dakhaliga cashuurta oo hoos u dhacaday (Tax revenue is too low)
2-      Dawladda oo kharshkeedu badato (Government spending is too high)
Labadanba astaamahoodu waa muuqdan, waa ta hore ee dakhligii cashuurta waa mid hoos-u-dhacweyne ka muuqdo, ha ku timaado in cashuurtii la leexsado, in shirkaddaha waaweyne  aanay bixin cashuurta, ururintii cashuurtaka beriga oo aan weli la tiro koobin, iyo aqoon yari haysta shaqaalah wasaaradda.
Ta labaad oo ha arrinta ugu weyne ee haysta xukumaddan waa dawaladda oo kharsheedu badan yahay, tusaale ahaan kharashayadda sida weyne iigu muuqda waa kuwan:
1-      Waftiyo aad u tiro badan oo wasiiraddu wadamadda debidda iyo gudahaba ugu baxaan
2-      Cafimaad debedeed oo madaxadda xukumaddu debeda ugu baxdo
3-      Mobile phone ay isticmaalan madaxdda xukumaddu
4-      Baabuurta dawladda oo habeen iyo maalinba ay wataan madaxadda xukummaddu
5-      Shidaal badan oo ay xukumaddu istcmaasho iyada oo aan ognahay in qiimaha shidaalku maalinba maalinta ka danbaysa uu kor u sii kaco
6-      Shirarka nabadoon ha ee ka socoda beriga Somaliland
Waxaan mudane wasiir ku soo jeedinaya in haddii arrimaha aan kor ku soo xusay ay jiraan oo weliba arrinta u weyne ee ah kharashaydda aan xadka lahayn ee xukumaddu ku jirto aanad waxa awood ah u lahayn inaad wax ka qabto in aad si hufan oo nadiif uga tagto.
Talo Nasteexo
Osman Awad