Somaliland Oo Lagu Daray Liiska Dunida Iimaanka-Qabta. (Lifestyle….World Happiest Countries)

Farxada iyo Niyad wanaago wax ay qayb libaax ka qaataan nolosha bulshada, manaha wax ku xidhan in qofku haysto dhaqaale hanfaqa iyo nolol isu dheeli-tirin. Inkasta oo dhaqaale xumida iyo dhibaatooyinka dabiiciga ah, sida Abaaraha iyo Saboolnimada ay Bulshada reer Somaliland la wadaagaan Qoomiyadaha kale ee ku dhaqan Geeska Africa, hadan sida war-bixintan hoos qorani ay muujisay ayaa ah in dadka reer Somaliland ay ku jraan kaalinta 85-tanaad dhinca Farxada iyo Niyad-samida… marka loo eego Dunida oo dhan. Tani wax ka markhaati ka caysaa in dadka reer Somaliland ay yihiin bulsho ku fog ku dhaqanka Caqiidada Islaamka oo Iimaankooduna yahay Qawi, isla markaana nolosha fahmay oo ku qanacsan waxa Eebahood u garto. dhinca kale Dawladnimada iyo Xasiloonimada ay ku naaloonayaan ayaa iyana Aabe u ah Nolosha wanaagsan, Kalsoonida iyo Farxada lagu majeeranaayo, taas ayaana keenaysa in Somaliland lagu soo daro Xog-ururimaha Caalamiga ah, iyada oo waliba aan dunida Ictiraaf ka haysan. Liiska Kaalinta kowaad waxa gashay Denmark kaalinta labaaad iyo Seddexaad waxa kala galay Finland iyo Norway.
By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com
lifaaqan hoos yaala ka akhriso war-bixintii oo dhan.
http://www.forbes.com/2010/07/14/world-happiest-countries-lifestyle-realestate-gallup-table.html