Maxay Xukuummaddu Uga Sastay Shirarka Beelaha Ee Dalka Ka Socda

ASCW;
Waxa qofka bini aadmiga ah, ilaahay u abuuray in uu xaq u leeyahay codkiisa, iyo odhaahdiisaba, kol hadii aanu wax udhimayn diinteena suuban, iyo ummada uu qofkaasi ama kooxdaasi ku dhex noolyihiin.  Distoorka aynu u codaynayna waxa uu ina farayaa in bulshadu ay is abaabuli karto, ayaahadoona ka tashankarto, iyadoo ixtiraamaysa nabadgelyada, iyo qawaaniinta wadanka u yaala.
Hadaba waxa igu kalifay qoraalkan maanta ah, saskan la leeyahay dawladaa ka qabta shirarka beryahanba socday ama inagu soo kordhaayey. Waxa su’aashu tahay, waa maxay waxa ay dawladu ka shakisanthay ee ay ka qabtaa hadii ay muwaadiniinteedu shiraan ama how shireen si qabiil, ama si xisbinimo, amaba si shuraakanimoba, mar hadii aanay dadkaasi wax khalkhal ah wadin, nabadgelyadana ku duulaan ahayn. Waajibka Dawlada saarani waxa weeyee in ay hubiso in muwaadiniintaa kulmaysaa aanay shirciga ka talaabsan, nabadgelyadana wax u dhimin.
Dadku wuu ka tashankaraa ayaahooda, degaamadooda iyo isku tiirsanaantoodaba, sharciga wadanka u yaalaana waa ogolyahay. Dawladu way ogaankartaa dadka wixii rabshad iyo iska horkeenba wada, xaqna way u leedahay in ay wax ka qabato hadii ay arimahaas oo kale dareento, ama ogaato. Laakiin in ay sas aan jirin abuurto waa wax dawlada looga wanaagsanyahay, kalsoonida ay dadkeeda u qabtana waxbay u dhimaysaa.
Dawladu way ogaan kartaan hadii ay tabashooyin jiraan oo ka jiraan degaamada qaarkood, ama qabaa’lka qaarkoodab, waana waajib in ay dawladu eegto tabashooyinkaa waxna ka qabato waxii macquul ah ee ay ka qabankarto. Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan in dawladu aaminto shicibkeeda, nimanka qowlaysata ah ee cidna aan dan u lahayn,  ay faraha kala baxaan arimaha bulshada mar hadii aanay wax dhibaato ah dalka iyo dawladaba u lahayn.
“War sheegu ma xumee war xume tashiilkaa xun”
WSC;
Axmed Maxamed Saleebaan