XUKUUMADA SIILAANYO WAX QABAD LA,AANTII WAXAY KU DARSATAY XADHIG

Saxaafada ayaa lagu tilmaama tiirka afraad ee dawladnimada ku salaysan dimoqraadiyada iyo nidaamka xorta. Haddaba sida aynu ka dheregsanahay Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa ka hirgalay nidaamka asxaabta badan iyo habdhaqanka dimoqraadiga ah ka dib markii shacabka reer Somaliland ay naf iyo maalba u hureen iska xorayntii xukunkii kelitaliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, xukunkaas ayaa ah bar madow oo ku taala taariikhda reer Somaliland oo ay mar walba xasuusan doonaan kana feejignaan doonaan nidaam kasta oo astaamaha kelitalisnimadu ka muuqato.
Haddaba xukuumada  talada haysa ee siilaanyo madaxda ka yahay  ayaa ahayd mid aad u isticmaali jiray saxaafada madaxa banaan kuna taageeri jiray sax iyo khalad wixii ay qoraanba wakhtigii uu siilaanyo mucaaridka ahaa. Iyagoo isla garab taagi jiray saxaafada hiil iyo hooba, gar iyo gardaraba.
Hiilkan saxaafadu ka helaysay xisbiga siilaanyo gar iyo gardaraba waxa uu in badan oo saxaafada ka tirsan siiyay kalsooni iyo rajo in xisbiga Kulmiye saxaafada mudnaan badan iyo saaxad balaadhan siin doono oo ay wararka iyo macluumaadka ugu soo gudbiyaan iyaga oo aan wax cabsi ah ka qabin in lagu xadgudbo xoriyadooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah.
Inkastoo dhanka kalena ay jireen dad ay u muuqatay ama u arkayay xisbiga Kulmiye inuu adeegsanayay saxaafada si uu ugu gaadho kursiga dalka laga xukumo ‘’opportunistic mentality’’, oo aanu dan badan ka lahayn dib u habaynta iyo tayaynta saxaafada, waayo taas waxaa laga arki jiray sidii indha la’aanta ahayd ee uu xisbigu u difaaci jiray saxaafada.
Waxaa xataa xisbiga Kulmiye wakhtigii uu mucaaridka ahaa hirgeliyay Idaacad dibed wareeg ahayd oo la odhan jiray ‘’Horyaal’’. Idaacadaasi oo qofka dhexdhexaadka ah ee muwaadinka ee la jecel wanaaga iyo horumarka ummada reer Somaliland runtii werwer iyo walbahaar gelin jirtay markuu dhegaysto waxyaabaha ka baxsan akhlaaqiyaadka, asluubta iyo shuruucda ‘’ethics’’ saxaafada ee ay ka sii dayn jireen Idaacadaasi. Haddana waxaynu ka war qabnaa in shakhsiyaadkii hormoodka ka ahaa Idaacadaas madax looga dhigay Radio Hargaysa iyo TV ga garanka Somaliland taasoo meesha ka saaraysa dhexdhexaadnimadii Radio Hargaysa iyo Tvga qaranka ay u dhex noqon lahaayeen asxaabta qaranka oo dhan iyo bulshada rayidka ahba.
Waxaa kale oo dhacday markii xisbiga Kulmiye uu Tvga qaran iyo Radio Hargaysa ku hubsaday shakhsiyaadkii xagjirka ahaa ee Horyaal daadihin jiray oo ay cadahay inay hadda ka ilaaliyeen Radio Hargaysa iyo Tvga qarankaba in laga sii daayo wax ka dhan ah xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, ayay sidoo kale isla markiiba casuumado u fidiyeen saxaafada ay u arkayeen inay la jirto una balan qaadeen soo dhawayn gaar ah iyo lacago loo qaybiyay si ay xukuumada ula shaqeeyay una difaacaan. Arrinkan ayaa waxaa ka gadh wadeen ahaa wasiirka madaxtooyada xirsi.
Waxaa sidoo kale ka mid ahayd strategiyada dhinaca saxaafada ee Madaxtooyada in la go’doomiyo saxaafada ay u arkayeen inaan shilimaad lagu soo xero gelin karin, cidlana la taago, hase yeeshee nasiib wanaag waxaa cad in saxaafada Somaliland inteeda badani tahay kuwo u bislaaday shaqadooda si fiicana u garanaya cida ay u adeegayaan inay tahay bulsha waynta reer Somaliland ee xaqa u leh inay ogaato sida ay wax u maamulayaan cidii ay doorteen ee ay u igmadeen inay hogaamiso.
Haddaba saxaafada ayaa isla markiiba soo bandhigtay goldaloolooyin ka muuqday dawladan oo ay rabeen inay saxaan dawlada hase yeeshe waxay isla markiiba xukuumada kala kulmeen cabudhin, cago juglayn, hanjebaad, jidh dil iyo xadhig qayral sharci ah iyadoo loo adeegsanayo awoodii dawladnimo. Waxaana tusaale inoogu filan dhacdooyinkii ka dhanka ahaa saxaafada ee dhacay muddadaa sanadka ah ee xukuumada Madaxwayne Siilaanyo xukunka haysay kuwan soo socda:
 
1) Xabsi qayral sharci ah oo loo gaystay tafatiraha Wargayska Waaheen, Mr Xuuto.
2) Xadhig isna lagula kacay tafatiraha Wargayska Saxafi.
3) Gacan saarid iyo hanjabaado isdaba joog ah oo lagula kacay tafatiraha Wargayska Yool.
4) Xadhig loo gaystay Weriyayaal ka shaqaynayay Radio Hargaysa iyo Tvga qaranka oo uu ka dambeeyay, Axmed Saleebaan Dhuxul oo ahaa Maareeyihii Idaacadii Horyaal haddana abaalgud loo geeyay inuu agaasime ka noqdo Tvga qaranka.
5) Xadhig lagula kacay weriyayaal reer Boorame ah.
6) Xadhigan hadda loo gaystay tafatiraha Wargayska Jamhuuriya, oo Maanta xabsiga loo taxaabay.
7) Cago Juglayn joogta ah oo lagu hayo saxaafada madaxa banaan.
Xadgudubyadan lagula kacay saxaafada ayaa waxay durba kor u dhaaftay sannad keliya gudihii, tii ay xukuumadii hore kula kici jirtay saxaafada madaxa banaan mudadii sideeda sanno ahayd ee ay xukunka hayeen.
Sidaa darteed, waxaa mudan in xukuumada Siilaanyo garato in Saxaafadu tahay tiir adag oo in badan soo dhabar adaygay kana soo gudbay marxalado kala duwan oo qalafsanaa, xilka ay shacabka reer Somaliland u hayaana yahay mid distoori ah oo waajib ku ah inay gutaan, iyada oo intooda badani si voluntary ah ugu shaqeeyaan shacabkooda, uguna huraan wakhtigooda qaaliga ah.
Sidaasi darteed, waxaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo xusuusinayaa inay si dhakhso ah xoriyadiisa ugu soo celiso tafatiraha Wargayska Jamhuuriya, joojisona xadhiga, cajo juglaynta iyo cabudhinta ay ku hayso saxaafada xorta ah si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee ay shacabka reer Somaliland u hayaan.
Waxaan qoraalkan ku soo gabogabaynayaa odhaah caan ah oo Soomaaliyeed baa ah ‘’Mabay dhalane, dhawrtaysanaa’’.taasna waa mid ku socota xukuumada siilaanyo ee shalay lahaa saxafidanbe oo xabsigali donaa ma jiri doono taasi oo ay xukumada silaanyo ay noqotay tii ugu macangagsanayd ee 6 bilood gudahood xabsiga u taxaabta saxafiyiin hogaamiye dhaqameedyaal ilaa hadana wada wax aan la garanaynin oo hadii ay sii wado ay ka naas naasin doonto.
 
AFEEF ANIGU SHAQSI UMA JAWAABO MANA AFLAGAADEEYO XAQIIQDA AYAAN KA HADLAA.
Ahmed m samatar