Furashada Xisbiyadu Waxay Khatar Ku Tahay Jiritaanka Somaliland

Waxan salaan u soo gudbinayaa dhamaan bahda berbera news sida dadaalka leh ee ay marwalba ugu dadaalayaan inay dadkooda kala jooga dunida dacaladeeda ka haqabtiraan wararka ka jira caalamka iyo wadankeena hooyo
waxan salaan usoo gudbinayaa dhamaan umada soomaliland meel kasto ay joogaan. intaa kadid waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhiihdo arinkaa furitaankaa xisbiyada badan
Aniga waxay ila tahay furida axsaabta fara badan inay keenayso dhib badan waayo waxan soo taagnaa dhibkii inaga gaadhay barigii hore ee food khasaare la odhanjiray oo aan goob jooog ka ahaa waxay keenaysaa kala furfarasho siyaasadeed oo aan laga soo noqonkarin oo doonayaa reer waliba inuu mid furto waxa fiican in laga fiirsado oo barlamaanku ka fiirsado ansixinta arintaas hooyo qurbaha joogta oo waaayo arag ah ayaan ahay nabaduna qiimo ayay leedahay ee haku ciyaarina nabada aynu haysano hadalana waan maqmaqlayay iyadoo aan xisbiyo lafurin laysu tuurtuurayo dunida waxa ka dhacaya ninkii damiir lihi wuu arkaya walaalaheen waxa haysta waa ogtihiin inaad ilaahay u shugri naqdaan aad nabadiina adkaysataan iyagana aynu u ducayno wixi aynu u qaban karnona aynu u qabano ayaa fiican waxase fiican inaa xisbiyadaa furidooda iska joojisaan waa fidhmo waa dhib waa ka daadasho ilaahay hayna ga hayee waxan talo u soo jeedin lahaa baarlamaanka soomaliland inaad ka fiirsataan ansixintaas .
Tusaaale waxan idiinku siinayaa wii ka dhacay burco xiligiii food khasare 7 xisbi ayaa la furtay wuxuu ahaa
Calancas
5tii farood
Kefed iyo miisaan
Faraska
Gorayga
Halngoolka
Syl
Intaa aan soo sheegay mid kaliya ayaa 5 soo baxday daagaal iyo qoys qoys u wareega ayaa la waayey nin walliba madax buu doonay reerkiisi buu kaxaystay waa lays shiiday cuqubada kalaa ka darane abaarbaa dhacday oo roob baa la waayay waxa gabyay allah ha u naxariisto cabdilaahi suldaan timacade oo yidhi
Xaafad xaafad u meertiyo
Xurmadii la ilow way xabaala colowday
Xinjirteediyo dhiigaa xalwada uga macaan
Hadba kaan xagashiisu xoog lahayn galabtaa ayaa mid ku xaabinayaa
Side xays ka doroora xiinkiisu uga baxaa
Waar tii ina gaadhay waad garanaysan
Bal manta ka fiirsada baarlamaankoow idinkay idin hortaalaa sidii aad wadanka u badbaadin lahaydeen una samayn lahaydeen shuruuc adag oo kala haga inanay noqon jaantaa rogan oo aanay inoo horseedin bur bur iyo kala daadasho
Waa mahadsantihin
farax cali
newzealand