Yaa ku Guulaysandoona Kursiga qaaliga ah ee Guddoomiyaha Maxkamada Sare?

Tan iyo itii madaxwaynaha Somaliland uu xilkii ka qaaday gudoomiyihii maxkamada sare  waxa soo baxay xodxodasho badan iyo dus dus oo loogu tartamayo booska Guddoomiyaha banaanaaday ee Maxkamadda sare.
Waxaana wararka qaar sheegayaan in wali la raadinayo shaqsiyadii dhinac kasta marka laga eego buuxin lahaa kursigaasi qaaliga ah iyada oo aan loo eegin beel, laguna xulanayo aqoontiisa iyo kartidiisa waaya-aragnimmo iyo shakhsiyadiisaba.
Hadaba sida la laga helayo illo xogagaala oo dhinaca madaxtooyada Somalland ah raga tartanta ugu jira inay buuxiyaan booska waxa ugu cadcad garsoorayaasha ka soo kala jeeda gobollada Hargaysa, Saaxil, Togdheer iyo gobolka Sool oo sida la sheegay iyagu ku doodaya qawad ay ka muujinayaan awood qaybsi aay leeyihiin xilalka sarsare waxba kuma lihin.
Madaxweyne Silaanyo, ayaa la sheegay inuu isago door bidayo shakhsi waayo-aragnimmo iyo aqoon buuxda u leh shaqada oo buuxin kara, kaasoo la filayo inta aanu todobaadkani dhammaan inuu si rasmiya u shaaciyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, taasoo so oaf-jari doonta loolanka adage e haatan ka taagan.
 
Wriye Yaasiin Jaamac Cali
Berbera, Saaxil