SIYAASADA ARIMAHA DEBDEDA SOMALILAND OO GAADHAY MEEQAAMKII UGU SAREEYEY TAN INTII AYNU LA SOO NOQONAYN MADAXBANAANIDA

Xukuumada Cusub ee Somaliland ee uu madawyne ka yahay mujaahid Ahmed Mohamed Mohamud (siilaanyo) oo hada dalka ka talinaysay mudo ka yar hal sano, ayaa waxay ku guulaysatay in gaadhsiiso siyaasada arimaha debeda SL maqaamkii ugu sareeyey tan iyo intii aynu dib ula soo noqonay madaxbanaanida.
 
Somaliland waxaa hada sirasmi ah loogu soo casumaa shirar iyo kulamo aad u heersareeya oo ay isugu yimaadaan dawladaha aduunka ama qaarada afrika ugu miisaanka weyni. Wasiirka dhaliyarada ah ee madaxweyne Siilaanyo u igmaday arimaha debeda SL, mudane Dr Mohamed Abdilahi Omar ayaa mudadii yarayd ee uu xilka hayay run ahaantii guulo wax ku ool ah ka soo hooyey ka midhadhalinta qadiyada SL, islamarkaasna sumcad iyo ixtiraam weyn ka kasbaday wadamo badan oo caalamka ah.
 
Halkan hoose waxaan ku soo qaadanayaa dawr talaabo oo qiimo weyn ugu fadhiya siyaasada arimaha dibeda SL ama guud ahaanba geedi socodka qadiyada SL, ee umada iyo dawlada SL dagaalka ugu jireen 20 sanadood.
 

  1. UN: Kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ee ka dhacay caasimada dalak Kenya ee Nairobi. Kulankan oo dadka aad ugu xeeldheer arimaha debloomaasiyada iyo xidhiidhka caalamku ay ku macneeyeen mid soo dhaweeyey qadiyadii SL.
  2. Dibloomaasiyiin: Booqashadii ay safiirada iyo madaxda ka kala socday dalalka Ethiopia, Belgium, Finland, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, Uk, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya Djibouti iyo Xoghaynta urur Goboledka IGAD. Arintaas oo ku noqotay afkala qaad iyo uqaadan waa cadawgii SL.
  3. EU: Ururka isutaga wadamada Yurub oo kor u qaaday maqaamkii debloomaasiyadeed ee u dhexeeyey SL iyo EU.
  4. UK: Boqorada dalka UK oo khudbadeedii sanadka si qoto dheer ugaga hadashay SL iyo horumarka ay shacabka reer SL kutalaabsadeed 20 sano ee u danbeeyey.
  5. Holland: Booqashadii wasiirka Iskaashiga caalamiga iyo arimaha Yurb ee wadanka Holand Mr. Ben Knapen ku yimid dalka SL.
  6. UK: Talaabada dalka UK 70% kor ugu qaaday mucaawimadii uu siin jiray SL.
  7. Denmark: Booqashadii Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Denmark Mr. Saren Pind ku yimid wadaka SL .
  8. UAE: Booqashadii albaabka UAE u furtay dalka iyo dadka reer SL ee uu madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayey ku tageen dalkaas.
  9. Kuwiet: Soo dhaweyntii maqaamka madaxweynaha ahayd ee dalka iyo dawlada Kuwiet ku soo dhaweysey waftigii madaxweynaha SL ee booqday dalkaas.
  10. Devolepment projects : Deeqbixiyayaasha caalamka oo SL ka saaraxay xaaladii gargaarka degde ah go,aana ku gaadhay in SL loo ogaalaado in laga hirgeliyo mashiic horimarineed.

 
Hadaba intaas oo qudha kuma koobna guulaha xukuumada cusub ee Madaxweyne Ahmed Mohamed Mohamud (Siilaanyo) iyo wasiirka arimaha dibeda SL Dr Mohamed Abdilahi Omar
soo hooyay mudadii yarayd ee ay xilka hayeen, balse runtu waxay tahay in SL maanta caalamku ula dhaqmo sida dawladaha haysta ictiraafka.
 
 
 
 
 
 
 
WA BILAAHI TAWFIIQ
 
HA NOOLAATO SOMALILA
 
Ibrahim Ali Adan
Former: Member of Stockholm County Council
Former. SUB Swedish Parliament
Xoghayaha Kulmiye Sweden
Ibrahimadan@hotmail.com