Ma la aqbali karaa Wasiirka A/Gudaha S/land ayaa ka horjeestay qabashada Sarkaal D/Hoose ah,kuna eedaysan lunsiga hantida qaranka !!!!!!!!

Iyadoo aan la socono in musuq-maasuq baaxad leh uu hadheeyey Dawladda Hoose ee Hargeysa, isla markaana aan loo dulqaadan Karin in wasiirkii arimaha gudaha Dr, gaboose soo faro galiyo hawlahii baadhista Hantida Qaranka ee la Lunsado., Iyadoo Hanti-dhawraha guud ee qaranka Maxamuud Cabdi Ibraahin uu shaaca ka qaaday aanay cid bilaa danbi ah aanay odhan ha la soo qabto.

Waana wax caqliga saliimka ah aanu aqbali Karin in Wasiirka Arimaha Gudaha oo han-siyaasdeed leh una hanqaltaagaya kursiga dalka ugu sareeya , inuu hadana  difaaco masuuliyiin xoolihii ummadda lunsaday.
Hanti-dhawraha guud ee qaranku waxay cadeyeen oo weliba ka go,an in cid kasta oo shaqadooda ku soo faro galisa aanay u joojin doonin, isla markaana loo baahanyahay inay shacabka Somaliland u soo bandhigi doonaan natiijooyinka baadhisihii ay sameeyeen.
Hadaba hawlahan baadhista ee socda lagu eedaynaayo Wasiirka arimaha gudaha waxaa loo baahanyahay in uu umadda cadeeyo waxaa ka jira inuu is hortaagay ,hawlihii qaranka ee ay ku gudo jireen ee baadhista hanti-dhawrka kana wadaan dawladda hoose ee Hargeysa.
Iyadoo qofkastaaba ogyahay in dawladaha hoose ee dalka ay ka jiraan ,isla-markaana ay yihiin musuq-maasuqa ugu baahsan Somaliland , waxaana ka go’an hantidhowr guud  inay talaabo ka qaadaan meelkasta hantida ummadda lagu lunsanayo”, Iyadoo hore la ogaa in xoolaha umadda la xalaaleystay ninkii maanta hadana ka baqaaya iyo ninkii difaacayaba iyo wixii diidaya midna loo joojin maayo”.
Diinteena iyo dhaqankeenaba waxaan ognahay in ninka xoolaha ummadda leedahay cunaa uuna faa’idin, inkaar badan way la socotaa ,manaha mid is qariya ninka xoolaha ummadda lunsadaa, waa ka takooranyahay umadda,calaamad ilaahayna way saarantahay , ubadkiisuna way ka duwanyihiin dadka kale .
Madaxweynaha S,land waxaa looga baahanyahay in masuuliyiin dabagelinaysa denbilaayaasha siiba xoghayaha d/hoose hargeysa ama kuwa ka xanaaqay baadhista ay ku sameeyeen masuuliyiinta dawladda,uu talaabo ka qaado una cadeeyo umadda  ,  “Masuulka  ka didaaya baadhis la baadhayo shaqsiyaad xoolaha ummadda lunsaday , haddii kale waxaa dhacaysa in halkaana ay ku dhamaanayso , kuwii hore lagu qaldamay oo xoriyadooda loo soo celiyo.
Ladagaalanka musuqmaasaga iyo lunsiga hantida umadda waxay ka mid ahayd balamihii uu qaaday Madaxweyne Md,Axmed Siilaanyo inuu wax ka qabanaayo , iyo weliba adeegsiga shaadhka dowlada ee wasiirka arimaha/Guduhu isku hortaagay in la soo qabto Xoghaya D/hoose Hargeysa  ,madaxweyne umadda waxay kaa sugaysaa sababta wasiirkaagu ugu soo horjeestay masuuliyiintii lagu helay lunsiga hantida umadda
Wasiir gaboose ma waxuu leeyahay xoghayaha d/hoose hargeisa denbi ma leh?
Waxaa is bedelaaya qorshihii la dagaalanka musuqmaasaqa, ma sharciga ayaa dadgaara qabta?  , maxaa tolow xigi doona ????? wasiirka arimaha gudaha , Dr, gaboose ma sidaas ayuu dadweynaha kaga doonayaa inuu cod kaga helo I uu madaxweyne u noqdo,, cajiib..
Waxaana waajib inagu ah in qofkasta oo reer  Somaliland  ah-, uu hantida qaranka ilaaliyo.
Allaa Mahadleh
by Daahir Siciid Caraale / Hargeisa/JSL