SIDEED BALAN QAAD OO XUKUUMADA SIILAANYO GASHAY OO UMADA SUGAYSO..IYO DAREENADA KU XEERAN

Dhamaan waxaan salamayaa bahda saxaafada meel kastay ka jogaan caalamka waa duul u heelan inay hore mariyaan odhaahdeena waa duul u heelan inay hirgaliyaan hanaanka dimuqraadiyada aad ayaan idiinku hanbalyeeynayaa.
Hadaan u soo laabto mawduucayga oo runtii aan dul isdaago waxan ku jaleecayaa balanqaadkii xukuumadan hada joogta wadanka
xukuumada silaanyo wakhtigii uu ololaha doorashada ku jiray wuxuu u sameeyay bulshada Somaliland balanqaadyo badan, kuwaas oo uu sheegay inuu fulin doono, haddii uu ku guulaysto talada dalka, inkasta oo ay aad u farabadnaayeen balamaha uu qaaday xisbiga Kulmiye, hadana waxaa jiray kuwo shacabku diiwaanka u gelyay, oo aad moodo in weli ay uga fadhiyaan fulintooda, Balamahaas ayay dad badani aaminsan yihiin inay ka mid yihiin kuwii uu kaga guulaystay xukuumadii UDUB, ka dib markii ay  ka dhego adaygtay doonistii shacabka iyo siyaasiyiinta madaxa banaanaa xukuumadii wakhtigaasi.
Hadaba Qodobada ugu muhiimsanaa ee balanqaadkooda la xasuusan yahay ee kulmiye shaaciyay inuu fulin doono wakhtigii ololaha doorashada ayaa noqday Talaabo haddii uu fuliyo ku noqonaya dabar kufinaya xukuumadooda.
Bal hadaba qormadan aan ku falanqayno kuwo ugu muhiimsan iyo wixii xukuumada jirtaa is tidhi ka fuli ee ay meel dhexe dhigtay.
Ta koowaad waa Furashada Ururada Siyaasada oo fagaare loo dhan yahay musharaxii Kulmiye kaga dhawaaqay inuu ogolaan doono furashada ururada siyaasada, Arintaas oo Madaxweyne Siilaanyo siddii laga filayey ka weecday, wuxuuna iskaga riixay guddi ka soo tala bixisa kuwaas oo aan natiijo laga hayn, Balantaas furashada Ururada siyaasada ayaana imika ku noqtay xukuumadan “Maskii qoratada afka geshay ee hadii uu liq is yidhaana ku dhimanayay, haddii tuf uu is yidhaana ku dhimanayay”.
Ta labaad waxay tahay balanqaadkii xisbigu buugiisa ku qoray ee ahaa in ay mushaharada shaqaalaha kordhinayaan boqolkiiba saddex boqol, taas oo ay sanadkan boqolkiiba boqol kordhiyeen, korodhkaana sida laga warqabo waxaa jira shaki ku saabsan in Miisaaniyadii loo qorsheeyay soo bixi weydo, sida dhawr jeerba ay ka dhawaajiyeen masuuliyiinta Maaliyada dalku.
Ta saddexaad ee balamaha ka midka ahaa waxay tahay waxbarashada oo noqon doonta mid bilaa lacag ah, taas oo iyadana xukuumada jirtaa ku soo koobtay Dugsiyada hoose dhexe, taas oo ay ka soo baxday iyadana god daloolo weyni, ka dib markii mushaharadii macalimiinta loo kordhiyay ku filaanweyday, Isla markaana wasaarada waxbarashadu diiday in macalinku u shaqo tego meel kale oo Part Time ah, halkaasna laga baqayo in ay timaad hoos u dhac dhanka waxbarashada dugsiyada dawliga ah.
Mida Afraad ayaa ahayd in xisbiga Kulmiye ololaha ku galay in uu shirarka Arimaha Soomaalida ka qaybgeli doono si uu xuquuqdii aan Soomaaliya ku lahayn uga soo goosano, taas oo dhaxalsiisay Somaliland in lala simo maamul goboleedada Soomaaliya, isla markaana mawqifkeedii gooni isku taaga shaki ka gelisay shacabka iyo saaxiibadii dublamaasiyada ee Somaliland kasbatay 20 sano ee ay dhisnayd, haddii ay talaabadaa ku sii socotana ku noqon doonta dabin ay dhaafi weydo.
Ta shanaad ayaa ahayd in nabadguud lagu xaliyo xaaldaha gobolada bari, taas oo xukuumadu ay u fidisay gogol nabadeed, laakiin dagaalo ka dhaceen halkii nabada laga filayay deeganada bari, kuwaas oo isku rogay qaar beelaysan, ilaa hadana weli lama hayo xal lala gaadhay siyaasiyiinta wada colaada ee ka soo jeeda Buuhoodle, Sool iyo Sanaag bari. Waxa iyaduna xusid mudan inuu jiro saluug dhanka saamiga ah oo ka soo yeedhaya Gobolada Awdal iyo qurbajoogooda qaar ka mid ah oo wada siyaasad ka dhan ah Somaliland, taas oo cidhibta ku haysa cadaalad daro ay tirsanayaan beelahaasi oo aan xukuumadu waxba ka qaban.
Ta lixaad oo ahayd la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul xumada iyo lacag ka bedelista gobolada Bari oo ilaa hada ka fushay Burco, balse khubarada Dhaqaalaha odorostaa ay saluugeen daabicista lacagta kunka shilin iyo shanta kun oo dalka ku keeni karta sixir barar, hadii ay suuqa bilaa xisaab u dabaalato, Waxa kale oo xukuumadu balan qaaday inay la dagaalami doonto musuqmaasuqa iyo maamul xumada dalka, balamahaas oo dhana waa kuwo noqday hal bacaad lagu lisay, marka aad eegto goboladii dalka iyo laamihii dawlada ee ka jiray oo sii daciifay, dawladiina ay noqotay mid ku mashquulsan ugaadhsiga masuuliyiintii la shaqayn jirtay maamulkii UDUB ee ku sii hadhay haya’adaha dawlada.
Ta todobaad ayaa waxay tahay in xukuumadu ay hirgaliso gobolada bilaa wadooyinka ah ee ay ka mid yihiin sanaag taas oo xukuumadu balan qaaday laakiin illaa hada aan lahayn meel lagu hadal hayo aanayna muuqan saansaantii lagu hirgalin lahaa iyadoo umadiina si toos ah u sugaysa ayagoo ka sugayaa balanqaadkii uu balan qaaday siilaanyo fulinteeediiina ay maanta u fadhiyaan.
Ta sideedaad oo ahayd in Qaranimada la xoojin doono iyada oo qabiilka laga hormarinayo Qaranka, taas oo sansaanta muuqata wakhtigan ay ka duwantahay tii Kulmiye balan qaaday, iskuna bedeshay loolan Dhaqaale iyo Abuurista Shirkado loo xidho wixii la wada lahaa, dantii qarana laga hormariyay dantii shaqsi iyo dantii kooxeed.
Intaas waxa dheer ka noqoshadii heshiisyadii caalamiga ahaa ee xukuumadihii hore galeen, kuwaas oo xukuumadan ku noqon doona caqabad dabri doonta, isla markaana cid kasta oo shisheeye ah oo danaynaysay maalgashiga Somaliland dib uga joojinaysa dalka.
Waxa iyaduna in la iftiimiyo u baahan muuqaalka Mansabyada ugu muhiimsan Somaliland oo dhawaan gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID sheegay in loo baahan yahay in beelaha Somaliland degaa ka muuqdaan mansabyada Sare.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxay dad badani isweydiinayaan meesha ay ku socoto siyaasada xukuumada Kulmiye iyo mudada ay ku sii jiri doonto wadadan ay qaaday, waxaana laga dayrinayaa hadii isbedel iman waayo xiligan in xaaladu ka sii dari doonto.
 
Hadaba xukuumada waxa la gudboon inay fuliso dhamaan balan qaadkii looga fadhiyay kana soo hoos baxdo daaha dabadiisa shirkadaha iyo dhamaan umadana u xaqsoorto hadii kale waxa dhaci doonta in laga aamin kabaxo oo nin waliba uu naftiisa uun aamino iyo gacantiisa taasina waxay dhaxal siin kartaa arimo fool xun iyo furfur badan oo soo horseeda umadan nabadooda ku naloonaysa
 
QORE.
 
Ahmed mahamed samatar