Maxaa guura-galiya Haweenka koox-kooxda u socda?

Warbixin: Cabdifataax Ismaaciil Mursal
mrmursal@gmail.com

Waxay marayeen xilli aan geedka iyo qofka la kala garan ama wakhti marka saddex isleeg loo qaybiyo Habeenka laba ka mid ahi tageen meelina hadhay. Waxay ahayd goor-sheegta ama saacaddu 3:00-dii Habeennimo oo toddoba daqiiqo ka dhiman yihiin. Waa Dumar oo marnaba iskuma wanaagsana gudoodiga ama guuragalka ama ninba siduu u yaqaanno Habeen-socodka. Hase-yeeshee, waxa xilligaa guuragaliyey xarrago maaha ee waa dan ama duruuf noloshooda ku xeeran.
 
Magaaladu waa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, goobtu waa Biriijka weyn ee isku xidha koonfurta iyo Suuqa weyn ee magaalada, goortuna sida kor ku xusan waa Habeen badankiisu tagay oo intiisii yarayd hadhay 2:5300 (Labadii habeennimo iyo saddex iyo konton daqiiqo ama minid). Habeennadu kala tilmaaman ee waa Habeen Sabti soo galayso oo ay maanta oo kalena Jimce ahayd, Waxaan ku habsaamay ama ku raagay shaqo, oo dabcan waxaan ahay Weriye ka hawlgala (Tifaftiraha) Wargeyska madaxa-bannaan ee Ogaal. Isla markaana, sida qaalibka ah ama badi wakhtiyada hawsha culus ee Wargeyska waxa la qabtaa xilliyada Habeenkii haba kala horreysa’e.
Sidaa daraaddeed, waxaan tirsanaayey habeenkaa inaan wakhti dambe ka socdo shaqada aan ka rawaxay.
 
Hase ahaatee, waxay indhaygu qabteen ama ku dheceen Haween Raxan-raxan u socda illaa cidhifka ama koona Waqooyi ee Biriijka ama qiyaas ahaan halka uu ku dhammaado hareeraha ama dhabbayaasha Biriijka ee u gaarka ah maritaanka dadka ee Bari iyo Galbeedba meelo ku kala began Fooqa dheer ee Telesom iyo sidoo kale Huteel-ka Hadhwanaag illaa goobta Waxbarasho ee lagu magacaabo Al-Jasiira ee Koonfurta Biriijka inta u dhaxaysa ayey si habaqle ah ama habqanba aan idhaahdo’e u marayeen. Maxay Haweenkan koox-kooxda u socdaa la guura-galayaan ayaannu is-weydiinnay aniga iyo wadaha Baabuurka Shaqada iga rawixiyey?
 
Inkasta oo aan habeenno kala duwan sidan oo kale u arkay, haddana Habeenkan Sabtidu soo galayso dareenka aan siiyey ka hor maan siinnin. Isla markaana, laba saddex Hormo ama qaybood oo Dumarka dantu is-raacisay ahi markii ay idhaafeen, ayaan go’aansaday inaan ogaado waxa ama ujeeddada waxan oo Dumar ah xilligan soo kicisay iyo halka ay u jeedaan, taasoo sidaan u arkaayey aniga Weriye ahaan muhiimad weyn ii lahayd wax ka ogaanshaha hawsha ama duruufta ay Haweenkaasi xilligaas u socdaan.
 
Haweenka qaarkood waxa dhex socda, hor socda ama daba socda Nin-nin Oday ah oo Islaantiisa iyo kuwo jaar la ah soo kexeeyey ama u soo raacay inuu inta awooddiisa ah ka badbaadiyo dhibaatooyinka wakhti-daayacaa Hurda-dakharta badi dadku ku jiro. “Hooyo, waxa xilligan na wada Dan iyo Duruuf noo gaar ah oo aan suuragal nooga dhigi Karin inaannu hurudno, waayo? Waxa la yidhi Caydhi ma bukooto ama dan iyo xarrago is-weyday.” Sidaa waxa tidhi Aamina Aadan oo ah Haweenay Hooyo ah oo qiyaastii illaa 55 jir ah oo ay dhawr iyo toban Dumar ah oo aan Biriijka weyn dushiisa ku weydiiyey su’aal ahayd Hooyo iiga warrama waxa xilligan idin wada iyo ujeeddada aad u soo guura-gasheen, u xusheen inay u hadasho.
 
“Markaa, Hooyo haddaan kaaga jawaabo su’aasha aad na-weydiisay, waxaannu nahay dad dan-yar ah, intayada badani waxaannu xilligan u soconnaa si aannu u nadiifinno goobaha Qudaarta lagu iibiyo iyo Meherado kala duwan oo Suuqa ah oo aannu Nadiifinno, haddaannaan xilligan soo guuragalinna Dumarka Wadhatada ah ee Qudaarta iibiya oo Daakiraaddaba imanaya ayaa naga soo gaadhaya.” Ayey hadalkeeda raacisay.
 
Waxaanay Aamina intaa ku dartay oo ay tidhi; “Laakiin, markaannu xilligan halkan marayno (Biriijka), ee aannu immikaba bilawno, qaar badanina naga sii hor-bilaabeen nadiifinta waxay noo imanayaan (Haweenka noocyada Qudaarta) iibiyaa annaga oo goobihii ay ku shaqaysan lahaayeen u sii hagaajinnay.”
 
“Maya, ee qaarkayo Haweenkan aad arkayso waxay meherado ku haystaan Suuqa, dabadeedna waxay sii-diyaariyaan Quraaco la doonayo in la iibiyo marka Salaadda Subax laga soo baxo (5:00-ta).” Sidaa waxa iigu jawaabtay Caasha Cabdillaahi oo ka mid ahayd Koox kale oo Haweenka sida koox-kooxda ah u socda oo aan weydiiyey inay guud ahaan Dumarka gudoodiga ahi isku wada shaqo yihiin iyo inay kala shaqo duwan yihiin oo ay waxyaabo kala geddisan ama shaqooyin kala jaada ku socdaan.
 
Haddaba, Haweenka gudoodiga ahi kuwaa shaqooyinka ku socda oo kaliya kuma eeka, hase ahaatee, waxa jira qaar iyagu xilligaas fulay oo ka rawaxay shaqooyinkooda oo ah shaqada nadiifinta Suuqyada kala duwan ee Caasimadda iyo Meherada ku yaalla. Sidaa daraadeed, wixii Habeenka Sabtidu soo galaysay ka dambeeyey waxaan ku dhiirraday inaan u sii kuur-galo xaaladda Dumarka Suuqyada magaalada Xaadha. Markaa, habeenkii Axadda oo aan xilli illaa 1-dii habeennimo ah shaqada ka baxay, ayaan agagaarka Khayriyada kula kulmay Haween dhawra oo jidka dheer ee Laamayga ah dhinaca Bari u sii haya, ka dibna waxaan weydiiyey halka ay xilligan Saqbadhka ah ku socdaan iyo meesha ay ku raageen.
 
“Waxaannu suuqa soo galnaa inta badan xilliyada 11-ka habeennimo illaa 12-ka habeennimo, markaasoo Suuqa inta badan laga rawaxo oo ah xilliga ugu fiican ee aannu xashiishka guri karno. Markaa, Daan kasta magaalada waannu ka nimaadnaa, laakiin intayadan wada socotaa waxaannu ka nimi Xaafadda Killalka (Geesta Naasa-hablood oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee Hargeysa), oo waxaannu leenahay Bas 24-ka saacadood (habeen iyo maalinba) shaqeeya.” Sidaa waxa tidhi mid ka mida Haweenkaas oo ka jawaabtay su’aasha aan weydiiyey.
 
“Waxa jira Dumar aan xaafadaha ay ka yimaaddaan xilliyadan oo  kale aanu Bas ka shaqaynin, kuwaasoo qaarkood ay la kulmaan dhibaatooyin oo qaarkood Tuugi hesho, ama Dadka Maskaxda ka xanuunsanaya qaarkood wax ku dhuftaan oo dhaawac soo gaadho ayaa jira.” Ayey tidhi Haweenay aan weydiiyey inay jiraan wax dhibaatooyin ah oo ay kala kulmaan gudooda habeennimo
 
Si kastaba ha ahaatee, Haweenka tirada badan ee Xilliyada Habeenkii ka shaqeeya Suuqyada magaalada Hargeysa, ayaa isugu jira qaar dalka u dhashay oo reer Somaliland ah iyo dad Ajaanib ah oo u badan dadka Itoobiyaanka ah ee Somaliland qaxoonti ahaanta ku jooga iyo qaar aan qaxoonti ahaan hay’adaha Qaramada Midoobay u aqoonsanayn oo nolol-maalmeedkooda ku dabbara lacagta yar ee ay Xaadhista Xashiishka ka shaqaystaan. Kuwaasoo isugu jira qaar Shirkadaha Xashiishka dawladda Hoose ku wareejisay u shaqeeya iyo qaar iyagu si iskood ah u shaqaysta oo dadka ay xashiishka ka guraan ka qaata lacag ay ii sheegeen inay u dhaxayso 500 illaa 1000 (shan boqol illaa kun shilin oo lacagta Somaliland ah).
 
Hargeysa/Somaliland.