Afkii beenta sheegi Jiray Ma Hadduu Runta Baranayaa?

Nagiib Muuse Axmed
Berberanews- Waxaan aad ula yaabay oo aan keligay isweydiiyay erayga lagu magacaabo “Siyaasi”, haddaan u soo noqdo ujeedadayda waxaan ka daawaday telefiishanka barnaamid lagu xusayay Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji -Ibraahin Cigaal  oo ahaa madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa madasha xuska ka hadlay dad fara badan oo qofba wixii uu ka yaqaanay marxuumka uu madasha ka sheegay , hadana waxa fajiciso igu noqotay oo aniga si gaara ii taabatay nin wasiir ka ahaa xukuummaddii Daahir Rayaale oo magaciisu yahay Siciid Sulub oo ilowsanaa erayadii uu ku ololeeyay xilligii tartanka doorashada madaxtooyadda oo ay ka mid ahayd weedho laga naxo oo uu wax kaga sheegay  Marxuum Cigaal oo uu ku yidhi, “Geeridii Marxuum Cigaal waa laga faa’iiday.” Islamarkaana ku faanayay xilka uu hayo, balse aanu calfan nasiib daro xilkii uu eraygaa ugu ololaynayay .
 
Waxa yaab leh, iyadoo wasiirkaasi afkii uu shalay wax kaga sheegay Marxuum Cigaal uu hadana ka hadlay madasha lagu xusayay oo lahaa “Cigaal wuxuu ahaa nin wanaagsan, oo cagaha u taagay tan [Somaliland] hadaba marka ay sidaa tahay labada jeer midkuu waalanyahay Siciid Sulub, mise waa siyaasadii uu ka soo qalinjebiyay ee xilligii Ziyaad Barre uu tolkii mashaariicda kaga qaadan jiray?
 
 
Waxa taa xigtay oo Sicidii Sulub joornaalka ku qoray “Weligay Silaanyo shakhsiyadiisa wax kama sheeginee xisbiga Kulmiye ayaan la hadli jiray “ waxaan leeyahay Siciid Suluboow ‘ninkaaga xabaal dayn waayay nin nool maad dhaafine dadka wax kale u sheeg’ , Calool-adayguna waa Ilaahay wehelkii .
 
Waxaan ku soo gebogebaynayaa eraygii ahaa “Afkii beenta sheegi Jiray Ma Hadduu Runta Baranayaa?
 
 
Nagiib Muuse Axmed
Hargeysa, Somaliland