MU’AAMADARA LAGA WADA HAAMAHA KAYDKA SHIDAALKA BERBERA

Sida aynu ogsoonahay waxa madaxweynaha s/land soo saaray digreeto wadanka lagaga caydhinaayo gafanihii mudada dheer tuunbadu xisaab la’aanta ahi ugu jirtay haamaha shidaalka ee berbera, inagoo ka dharagsan in wixii TOTAL la odhan jiray wadankeena ka guurtay 2008 waqtigaas oo ay hada ka soo wareegtay mudo dhan 3 sano, ilaa waqtigaa total wadanka ka sii maqnayd waxa tuunbadu ugu jirtay nin lagu magcaabo sacad iyo maafiyadiisa.


Hadaba soo saarista digreetada madaxweynahu waxay ku qaadatay mudo dhan 9 bilood  oo ay sababkeedana ay lahaayeen laba diblana u hayeen koox uu hormood ka yahay wasiirka ganacsiga oo baalal ay ku duulaan u ahaa mafiyada sacad la qadhaaban jirtay, waxana hada aan caad saarnayn inuu wasiirku ku hawlan yahay sidi dib loogu soo celin lahaaa gabaaraydii jiidhka iyi jibaadhkaba ka dhamaysatay haamaha shidaalka berbera iyo wadankoo dhan loona beenin lahaa digreetadii madaxweynaha isagoo kolba shaadh u soo xidhanaaya.
Waxaana maalmahan  laga yaabanaa wasiirkan dhan ee booyad shidaal ah dabada ka riixaaya, arintaaas oo sida muuqata isugu biyo shubatay mu’aamarada lagu wax yeelaynaayo sumcada iyo karaama wadanka iyadoo aan loo eegayn natiijada ka dhalan karta iyo raad xumada ay reebi karto, waayo shidaal xun oo aan ahayn kii diyaaraduhu isticmaali jireen inta la keeno ayaa la doonayaa in la yidhaahdo TOTAL ayaa tayada shidaal kaantarooli jirtay shidaalka ee wadankii waa fawdo.
Arintuna sidaa waa ka duwan tahay waxana bulshada reer somaliland si toosa ugu cadaynayaa in wasiirku ganacsigu yahay nin baayacmushtari ah oo abuurtay silsilad taxan dalka debadiisa ilaa gudihiisa,
Ugu danbeyntii
Waxaan anigu leeyahay maye sirdoonkii madaxweynaha u qaabilsanaa arintan oo kale ee sida tooska ah ugu gudbin lahaa mise sirdoonkeenu waxay ilaaliyaan wixii naf dilaayo waxase ka xun wixii sumacada wadanka iyo ganacsigaba xorta ahba dilaaya
Hadii aan si toosa iyo si dadbanba looga gaadhin wasiirka ganacsiga iyo kooxdan wadanka waxaan aamisan ahay aniga iyo mushtamac kale oo reer somaliland ahi wadanka ganacsigiisa meel fog looga yeedhi dooni.

Tusaalena waxa ugu filan warkan aan officailka ahayn ee marba la leeyahay warqadii rukhsadana waan kala noqday shirkad hebel iyo wararka la mid ah ee suuqa ka yaala wasiirka ee uu isagu dhigay.

Cabdi faarax xaamud UK
e-mail- xaamud12@yahoo.com