Dhanxiir, Cirro iyo Total

Maansha Allaah; Alleylehe, madaxweyneheenii waa kaa damqaday xididkii kooto diidka ee uu ka qaylin jiray xilligii mucaaridka, kol hadduu shalayba cawda u jaray dhiig-miiratadii TOTAL ee shidaalka cunaha haysatay. Eesh calaa madaxweyne dheh, maantaba maxay odhan doonaan kuwii indhaha qalloocay ee xagga xun uun wax ka eegi jiray, shidaalkiina waa fasax ee nin waliba booyadiisa ha kaxaysto kootadii dhimataye.

 

 
Weger; Adeer, TOTAL iyadaa lingaxa isku goysay oo kacaanka la jaanqaadi weydaye, bal maanta waa taas la eryaye malaayiinkii doollar ee Eng. Xaashi sheegi jiray inay lunsatay, meel uun halagu tiiriyo oo dadka anfac ha u yeelato, ta kale shidaalkan caagadaha Yemen lagaga soo dhaamiyo ee Saylac ka soo degana maxaa loo mamnuci waayey, mise waa TOTAL ku simayaal oo lama taaban karo. Waxaanse ku waydiiyey diblomaasigii Cirro waa kan aqoonsiga raagay ka hadlayee talow ma godka uu ku jiro ayuu ogyahay oo dhaw markuu madaxweyne noqdo ayuu is leeyahay aayar daboolka ka qadaan fudh ha soo yidhaahdee?