Qurbe-joogga Somaliland: Hormoodka Halganka Ictiraaf-doonka!


Marka hore guud ahaan shacab-weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin aan idhaahdo “Hambalyo, Congratulation, تهنئة, Félicitation, Glückwunsch, Felicitación, , Pongezi, Congratulazione, Поздравлени, Grattis iyo qaar kale oo badan.” Doorkii wax-ku-oolka iyo lamma illaawaanka ahaa ee cid kasta ka qaadatay xuskii 18-ka May ee 20-tan guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii xornimada Somaliland, oo ku astaysan 1991-kii 18-kii May.
 
Waxa uu ahaa xus aan loo kala hadhin, qof kastaana kaga qaybqaatay dareen iyo ficil waddaniyeed oo ay ku lammaan tahay bartilmaameed la wada hiigsanayay, kaas oo ahaa sidii beesha caalamka loo dareen siin lahaa xaqa ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado.
 
Hore ayaa loo yidhi “Nimaan hadlin hooyadii qadisaye,” dadweynaha reer Somaliland ee qurbe-joogta ah ee ku nool waddamada dibadda, ayaa taariikhda markii ugu horaysay intii Somaliland jirtay waxa ay muujiyeen soona bandhigeen halgan hor leh oo waddada u faray sidii qaddiyada Somaliland beesha caalamka looga dhaadhicin lahaa.
 
Waxay daaha ka rogeen gorgortan iyo qaddiyad-ku-dagaalan waddada u jeexaya tub hor leh oo lagu baadi-goobi karayo ictiraafka Somaliland, isla mar ahaantaana waxa ay muujiyeen inay yihiin dad jira oo ka yimi waddan jira, wax qabsaday, dawlad leh, xasillooni iyo kala dambayni ka jirto, haykal-dowleed iyo dimuqraadiyad hirgeliyey.
 
Haddii in-badan la canaan-jiray qurbe-joogta reer Somaliland, laguna tilmaami jiray dad ka hallowsan jidkii ictiraaf-doonka, kuna foogan danahooda gaarka ah iyo hawl-maalmeed-yadooda, waxa ay ku dhaqaaqeen tallaabo cajiib ah oo mudan in lagu bogaadiyo sidii aan kala hadhka lahayn ee waddamada ay ku nool yihiin uga dhex xuseen qaddiyada Somaliland iyo maalinta 18-ka May ee madax-bannaanida JSL.
 
Weliba aniga dareen gaar ah ayay ii sameeyeen isu soo baxyadoodii, madaama oo aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee ku baaqay in muddaharaadyo la isugu soo baxo maalinta 18 May, si indhaha beesha caalamka loo soo jiito oo looga dhaadhiciyo qaddiyada ictiraaf-raadinta Somaliland.
 
Waxa aan ku soo af-meerayaa qormadan gaaban labadan arrimood: waa midda koobaade, haddii qurbe-joogta reer Somaliland ee qaaradaha adduun ku filiqsani yeeshaan minqiyaasyo iyo ujeedooyin lagu taabbo-geliyo dadaalka aqoonsi-raadinta Somaliland, iyaga caalamka  u muujinaya in Jamhuuriyadda Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii  waddan lagu aqoonsan lahaa,  waxa hubaal ah inay noqonayaan “Hormoodka Halganka Ictiraaf-doonka Somaliland.”

Waa midda labaade, waa in dowladda Somaliland iyo qurbe-joogtu yeeshaan wada-shaqayn joogto ah oo ku aadan is-kaashiga ictiraaf-raadinta, isla markaana waa inuu jiraa qorshe qeexan oo si cad u iftiiminaya khiddadaha iyo qaabka looga hawl-gelayo sidii beesha caalamka iyo qaaradda afrikaba looga qancin lahaa in Somaliland la aqoonsado.
 
Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]
cabdiheersare01@hotmail.com, heersare2009@gmail.com
Hargeysa, Somaliland