Wacdaro dhexmaray Abwaan yuusuf shaacir iyo ardayda Reer Somaliland ee jaamacadaha reer Addis ababa

Abwaanka caanka ah ee reer  s/land, abwaan yuusuf cismaan cabdulle {yusuf shaacir) oo booqasho kujooga  caasimada addis ababa isagoo kusii jeeda cariga ingiriiska, halkaas oo uu kalaqayb gali doono  qurbajoogta s/land ee reer London xaflada 18 may ee fooda inagu soo haysa hadii eebe idmo.
Ayaa waxay ardayda reer adis ababa ku marti qaadeen abwaanka kulan balaadhan oo ay ilyartu isqabatay oo xaasaasi ah, kaasoo lagu soo casuumay 80 arday oo kamid ah ardayda reer s/land ee wax kabarata caasimada addis ababa. Furitaankii xafladaasi,oo uu daadihinayay, mr. c/raxmaan, waxa hadal kajeediyay mustafe cabdilaahi xasan oo isagu ka hadlay muhimadii iyo ujeedooyinkii laga lahaa kulankaas iyo cabdinasir cumar jamac oo dhalinyarada u qaadaa dhigay waxna ka sheegay taariikh nololeedkii abwaan yuusuf cismaan cabdulle ”shaacir”.
 
Kulankan hadaba dhexmaray abwaanka iyo ardayda waxa kadhacay runtii wacdaro layaab leh waxaana kamid ahaa abwaan yuusuf shaacir oo talo iyo dardaaran uu ardayda siiyay kadib , ooda kaga qaaday eedayn iyo cambaarayn   ku aadan ardaydii jamacadaha ee kulankaas kasoo qaybgashay iyo ardaydii oo yaguna jawaab uga dhigay inay  suaalo sida roobka kaga dhigaan abwaanka.
 
 
Waxyaabihii  ardayda uu ku dhaliilay abwaanku  iyo jawaabihii isdifaaca ahaa ee ardayda
Abwaan yuusuf waxa uu dhalinyarada jamacadaha ku dhaliilay inay yihiin qaar aan dhaqankooda dib uraacin isla mar ahaantaana luuqadoodii hooyo dayacay oo sii luminaya, waxana hadaladiisii kamid ahaa
“hadaan imika qoladan jamacadaha addis ababa utago oo aan idhaahdo ardaydan soomalida ah imtixaankooda afsoomali kagaqaada waxaan hubaa runtii inaad 80% dhacaysaan yadoo afsomaligu yahay luuqadiinii sidoo kale hadaan imika idinwaydiiyo maalmaha soomaliga iyo bilaha soomaaliga badankiinu garanmaysaan ” abwaanku waxa uu intaas ku daray isagoo hadalkiisii sii wata  “ qoladiinan jamacaduhu markaad dhamaysaan ee aad wadankii kunoqotaan shaqooyinka hoose waad diidaan ,wada shaqo sare ayaad rabtaan waar shaqo hoose ceeb maaha  ee shaqo la,aanta ayaa dunida ceeb ah. waxaanaan  idin leeyahay xirfadaha barta iyo shaqo kasta qabta inta aad shaqada sare gaadhaysaan ama helaysaan” .  Intaas kadib waxaa lafuray suaalihii waxaana loo tartamay oo farta loo wada taagay waydiinta suaalaha abwaanka, waxaana kamid ahaa suaalihii lawaydiiyay abwaanka .
1=  mudane abwaan waxaad kamidtahay suugaanyahanada waawayn ee soomalida waxanad nagu dhaliishay inaanu afkii luminayno hadaba maqorteen ama malahelayaa buugaag afka soomaliga laga tixraaco oo loo noqdo ?
2= abwaan majirtaa library ama xarun loogu hagaago luuqadii soomliga mase idiinku jirta qorshaha inaad qortaan buug loogu hagaago eray bixinta afka soomaliga, iyo u eraybixinta  tiknoolajiyada casriga iyoi kolba waxii inagu soo kordha?
 
Dhinaca kale abwaanku waxa uu dhalinyarada reer addis ugu deeqay  buug kamida buugta uu qoray oo magaciisu yahay{ TOLOOW COLKA JOOJA}
 
Sikastaba ha ahaatee is qancin iyo jawaab celin kadib kulankaasi waxa uu kusoo gabagaboobay jawi farxad iyo kaftan badan laga dareemayay  waxaanay dhalinyaradu uga mahadceliyeen  abwaanka fursada qaaligaa ee uu siiyay ardayda.


Mustafe C/laahi Xasan