Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda Oo Safar Sanqadh-tirasho Leh Ku Gelelafay Goobaha Dakhli Ururinta Berbera, Fadeexadaha Hawlwadeeno Shaqooyinkoodii Ka Gaabshay iyo Hoos U Dhaca Dakhliga

Berbera, -(Berberanews)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ahna ku-simaha Wasiirka Warsame Siciid Siciid, ayaa safar sanqadh-tirasho ah oo aan hore loo ogayn saaka ku tegay Goobahaha dakhli-soo-saarka Wasaaradda Maaliyadda ee Berbera.
Wasiir-ku-xigeenku waxa uu ku waaberiistay goobaha dakhliga Wasaaradda oo uu uga soo horeeyay hawlwadeenada ku qoran ee shaqaalaha ka ah, waxaannu mid mid u tegay goobo ay ka mid yihiin Madaarka Berbera, Katsamka iyo Xarunta cashuuraha Beriga, waxaannuu kormeerkiisa ka bilaabay Xafiiska Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Madaarka Berbera, halkaasoo xogwaraysiyo kula yeeshay qaar ka mid ah hawlwadeenada maaliyadda.
Wasii-ku-xigeenku waxa uu hawlgalkiisan goobaha uu tegay waxa  uu ku hubiyay liiska Shaqaalaha xaadirka ah  ee shaqadooda gudanayay, waxaanna soo if-baxay faddeexadaha shaqaale badan oo aan ka soo xaadirin goobihii ay ku qornaayeen, kuwaasoo aan la garanayn sabab ay uga maqanyihiin shaqadooda.
Wasiir-ku-xigeenku waxa kale oo uu tegay kormeeray Xarunta Cashuurha Bariga Berbera oo uu warbixin kaga dhegaystay Maamulaha Cashuurha Bariga Berbera Maxamed Ismaacil (Keenadiid) oo sheegay inuu lix billood gudaheed ku xareeyeen lacag u dhiganta miisaanoyad-sannadeed-kii 2010 dhegaystay Maamulaha Cashuurha
Bariga Berbera Maxamed Ismaacil (Keenadiid) waxa uu Wasiirka ku war galiyey in aanay Ganacsatada dalku sidii la rebay u bixin Cashuuraha loo yaqaan Macashal Macaashku oo ay ugu daran yihiin laba Maxraj ee Magaalada Berbera oo dhawr jeer ka Dhega adaygay in ay iska bixiyaan Cashuurtaa.
Wasiir-ku-xigeenku waxa uu balan qaaday Inuu si dhakhso ah wax uga qaban doonaan bixinta cashuuraha macal-macaashka, Wasiirku waxa uu kormeeray dhismaha qaybta Sare ee xarunta Cashuuraha Berbera oo u dhaw in ay dunto isla markaana noqotay Goob aan in muddo ah Shaqaynin, isagoo ballanqaaday inay bilaabaayaan dacaytirkeeda.
Wasiir-ku-xigeenku markii uu kormeerkiisa soo dhammaystay waxa uu shir aan warbaahinta loo ogolayn oo mudo qaatay xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleeban, ka dib markii iuu shirkaasi dhammaaday ayuu Wasiir-ku-xigeenku saxaafadda si yar oo kooban kaga hadlay ujeedada safarkiisa, waxaannu yidhi, “Maanta waxaanu Berbera oo ah halka dhaqaalaha dalku ka soo xeroodo ku Imi kormeer hawleed aan saaka xili hore ka soo kalahay Hargaysa, Ujeedadayda Ugu Wayni waxay ahayd sidii aan ugu dhiiri galin lahaa Shaqaalaha Maaliyada in ay wadanka u soo xereeyaan cashuurha ay Wasaarada Maaliyadu Uga wakiilka tahay dawlada oo Runtii aan sidii la rebay u soo xeroon iyo dar dargalinta waaxyaha Maaliyada Gobolka,Runtii aad ayaan ugu mahadnaqayaa dhamaan Maamulayaasha iyo Gudoomiyaha Gobolka oo Wada shaqayn fiicani ka dhexayso.”
Inkasta oo Wasiir-ku-xigeenku safarkiisa ku sheegay mid lagu dardar gelinayo hawlwadeenada maaliyadda, hadana waxa jira dhalliilo xoog leh oo ka soo if-baaya qaar ka mid ah shaqaalaha goobaha dakhliga Berbera oo lagu eedaynayo inaanay ka soo xaadirin shaqooyinka loo igmaday, gaar ahaan goobaha dhalliilaha ugu weyni ka taaganyahay uu ka mid yahay Xafiiska Maaliyadda ee Madaarka Berbera, kaasoo mararka qaarkood la waayo shaqaale dadka lacagta ka qaada, waxaanna arrintaa ka hadlay Badhasaabka Saaxil Maamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo todobaadkan shebekadda Berberanews wax ka weydiisay sababta loo xannibay deeq dawooyin ah oo dawladda Kuwait ugu tallogashay cisbitaalka Degmada Sheekh, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waa nasiib daro alaabtan waa la ogaa, wasaaradda maaliyaduna way soo qortay fasaxii laakiin qoladii maaliyadda ayaa madaarkiiba laga waayay, runtiina waa nasiib daro haysata dadka dawlada u shaqeeya, oo iyadii oo diyaaradi imanayso ayay suuqa iska qabteen, taasina waxay ahayd nasiib darro dhacday, waxaanan qabaa inaanu kala xisaabtami doono Wasaaradda Maaliyadda.”
Badhasaabku waxa uu hoosta ka xariiqay inay  dadweynaha rakaabka ah ee madaarka ka soo degaa mararka qaarkood dhibaatooyin kala kulmaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadad ee Madaarka, “Tan oo keliya may ahayne waxa dhacday in dad rakaaba oo garoonka ka soo degay la waayo cid ka qabata cashuurtii wasaaradda maaliyaddu xaqa ugu lahayd oo ay rakaabkuna aad ugu dhibaatoodeen aad baan uga xumahay.” ayuu yidhi
Khadar jama Xaashi
Berberanews
Berbera/Office
dalmar0002@hotmail.com
info@berberanews.com