Booliska Somaliland oo warbixin ka soo saaray ciidan-beeleed hubaysan oo lagu ururinay guriga Cirro

Warsaxafadeed :-Sida ku cad qodobka 124 ee Dastuurka JSL iyo Xeerka Booliska 63/2013, waxa Ciidanka Boolisku u xilsaaran yahay amniga gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaaddin ah hantidiisa naf iyo maal oo ay ka mid yihiin madaxda asxaabta qaranka.
Boolisku isagoo gudanaya waajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda asxaabta qaranka la siiyey ciidan ku filan ilaalinta naftooda, guryahooda iyo xafiisyadooda, iyadoo weliba loogu xoojiyey askar ka tirsan Ciidanka Qaranka (military).
Ciidanka Boolisku waxay la socdeen muddo laga joogo laba toddobaad inuu musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka soo guuray gurigisii hore oo ku yaallay xaafadda Pepsiga ee galbeedka magaalada Hargeysa, soona degay guri cusub oo ku yaal xaafadda Hodan Hills ee bariga magaalada Hargeysa.
Haddaba, Ciidanka Boolisku waxay ka warhayaan in toddobaadkii u dambeeyey ay guriga musharraxu deggan yahay ay ku soo ururiyeen dad shicib ah oo si sharci-darro ah u hubaysan, kuwaas oo habeenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay ciidanku ka hayaan gurigaas, joojiyaanna dadka shicibka ah,  baadhana baabuurta, mararka qarkoodna ridaan rasaas, dhammaantoodna ku lebbisan direys tuute ah.

Haddaba, waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyadda Somaliland ee nabadgalyada jecel in ay soo kordheen arrimahaas aannu kor ku soo sheegnay oo innagu cusub, hadday sii socotana noqonasa dembi khiyaamo Qaran, sida ku cad qodobka 221 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Sidaa darteed waxaannu uga digaynaa musharraxa Xisbiga WADDANI iyo cid kasta oo arrintaas ku hawlan in ay iska fogayso dadka sharci-darrada ku hubaysan, iyagoo haysta Ciidammada Qaranka ee amnigooda sugayey.

Waxaannu u gudbin doonnaa  xeer-ilaalinta iyo maxakamadda awoodda u leh arrintaasi aannu kor ku soo xusnay masuuliyadeeda.