Hargeysa: Suxufiyiin saddex biood ku dhawaad xidhnaa oo xorriyadoodii loo celiyay

Hargeysa-(Berberanews)- Xabsiga Dhexe ee Hargaysa ayaa maanta laga sii dayay afar suxufiyiin muddo saddex bilood xidhnaa ka dib markii xukun maxkameed ku dhacay.

Sii daynta suxufiyiintan oo kala ah Maxamed Cabdi Sheekh Ilig iyo Cabdijabaar Maxamed Xuseen, oo 2 bilood iyo 14 cisho xidhnaa, ayaa ka danbeeyay cafis uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maxamed Cabdi Ilig oo ah mulkiilaha muuuqbaahiyaha MMTV, ayaa u mahadceliyay wariyayaashii dadaalka u galay ee u dooday intii ay xidhnaayeen, isaga oo sheegay in bahda warbaahintu ay jacayl iyo daryeel badan u muujisay.

“Mahadnaqa ugu wayn ee aan anigu maanta samaynaya waxa weeyaan warbaahinta, waliba wariyayaasha, oo kaalin mugleh ka gaystay in ay culayskayaga iyo duruuftii aanu anagu ku jirnay nala tacaalaan, oo waxan ka wada yacni wakhti adag oo qadarin, wanaag, jacayl, intaba na siiyay” ayuu yidhi Ilig, isaga oo ilmaynaya.

Waxa uu dhanka kale, bulshada Somaliland kula dardaarmay in ay ka foojignaadaan in sawir xun looga bixiyo warbaahinta iyo wariyayaasha, isaga oo sheegay in anay xaqooda ka heleen dowlada iyo siyaasiyiinta hadii anay jiri lahayn warbaahin wax saxaysa oo ay iska ilaalinayaan siyaasiyiintu.

Wariye Cabdijibaar Maxamed Xuseen oo ah madaxa wararka ee muuqbaahiyaha Horn Cable, ayaa isna ka warbixiyay xeerka ciqaabta guud ee Somaliland ilaa maanta ay u adeegsato in ay ku xukunto warbaahinta iyo shacabka xeerkaasi oo uu ku tilmaamay mid gaf ku ah warbaahinta iyo shacabkaba.

“Iyada oo nalagu xukumay xeerka ciqaabta guud oo aanu qabno in uu yahay xeer aan shaqayn, oo shacabka Somaliland gaf ku ah in lagu xukumo, madaama ay Somaliland 30 sanno gooni u taagnayd in hadana xeerarkii dowladii Soomaaliya ee kalidii taliska, ee dadka iyo warbaahinta lagu cabudhin jiray nalagu xukumo, waxan u aragnaa gardaro iyo gaf” ayuu yidhi Cabdijabaar.

Labada wariye ayaa kamid ah 18 wariye oo isla maalin gudaheed Hargaysa lagu xidhay 13 April ee sannadkan, xili ay ka warbixinayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Hargaysa, wariyayaasha kale ayaa maalmo kadib lasii daayay halka 1 sanno iyo 4 bilood lagu xukumay labadooda.