Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo heshiis ka gaadhay qiimaha qaadka iyo khudaarta

Hargeysa-(Berberanews)-Xukuumadaha dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Federaalka Itoobiya, ayaa ku heshiiyey in qiimaha qaadka iyo khudaarta lagu celiyo sidoodii hore, kadib qiimo-kordhin beeralayda Itoobiyaanku sameeyeen dhowaan.
Waxa kale oo labada dawladood ka wadahadleen dekedda Berbera, balse war rasmi ah kama soo saarin.
Wefti ay horkacayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya marwo Dagmawit Moges iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya mudane Redwan Hussien, oo safar aan la shaacin ku tegay caasimadda Hargeysa shalay Arbacadii, ayaa xukuumadda Somaliland kala heshiiyey qiimaha qaadka iyo khudaarta.
“Somaliland iyo Itoobiya waxa ay aqoonsadeen muhiimadda uu leeyahay xidhiidhkii dheeraa ee soojireenka ahaa ee labada dhinac ka dhexeeyey, in dib loo celiyo qiimihii qaadka iyo khudaarta ee hore loo dejiyey, in la sameeyo guddi farsamo oo ka hortaga dhibatooyinkaas oo kale.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo warbaahinta la hadlay maanta.

Sida Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland sheegay waxa kaloo labada dawladood ku heshiiyeen, in la joogteeyo heshiisyadii ganacsiga iyo gaadiidka ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Somaliland, inkasta oo aannu Wasiirku faafaahin badan ka bixin waxa laga yeelayo dekedda Berbera.

“Labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in la sii wado heshiisyadii bayacmushtarka, gaadiidka iyo arrinka Dekedda Berbera oo ku salaysan heshiisyo hore ama wadahadallo hore u dhacay in halkaas laga sii wado,” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Ganacsatada qaadlayaasha ee Somaliland, ayaa sheegay 26kii bishii June ee la soo dhaafay in ay joojinayaan qaadka Itoobiya, isla markaana u leexanayaan Yemen iyo Kenya, kadib markii Itoobiya ay kordhisay qiimaha qaadka.
Qiimaha qaadka ee la kordhiyey ayaa Itoobiya joojin doontaa kadib heshiiska cusub ee labada dal wada gaadheen maanta.