Pazzini oo badbaadiyey xalay kooxda Inter, Napoli oo badisay iyo kulamada galabta

ROME: – Kooxda AC Milan ayaa ku qasbanaan doonto in ay todobaadka kale u dabaaldagto hanashada horyaalka Seria A-da Talyaaniga marki Inter ay xalay 2-1 kaga badisay kooxda Cesena.

Inter waxay heshay guul aanay fileyn, marki uu ciyaaryahan Giampaolo Pazzini oo badal kusoo galay uu laba gool u dhaliyey afarti daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta taasoo ka dhigtay in Inter ay 2-1 ku badiso.
Pazzini goolka bar bar dhaca waxa uu keenay daqiiqadaha dheeraadka ah ee ciyaarta lagu kordhiyey, isaga oo goolka labaad ee guusha madaxa ku dhaliyey ilbidhiqsigii ugu danbeeyey, taasoo niyada jebisay Cesena oo goolka hor keensatay martay daqiiqadii 55-aad.
Inter, oo ka talineysay horyaalka Talyaaniga shanti xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, ayaa hada leh 69 dhibcood, waxay shan buundo ka hooseysaa kooxda Milan oo maanta garoonka San Siro ku marti gelin doonto kooxda heerka dhexe ee Bologna.
Kooxda kaalinta sadexaad ee Napoli ayaa guul ay u rafatay ka gaartay kooxda uu xafiiltanka ka dhaxeeyo ee Genoa oo ay kaga badisay 1-0.
Goolka guusha oo yimid daqiiqadii 83-aad waxaa ku fara yareestay Marek Hamsik oo ka mid ah xidigaha kooxda Napoli sanadkaan sida weyn u caawiyey.
Kulanki xalay oo ka dhacay garoonka San Paolo oo uu roob ka da,ayey waxaa fursadi ugu horeysay Napoli ka qasaariyey laacibkeeda Ezequiel Lavezzi oo ganaax kasoo laabtay, sidoo kale waxaa fursado muhiim ahaa cunay xidigaha kala ah Hassan Yebda, , Lavezzi iyo dhaliyaha sare ee Napoli Edinson Cavani oo dhamaantood madaxa la gafay kubado, waxaase aakhirki seeftiisa galka kala baxay Marek Hamsik oo dhaliyey goolkiisii 11-aad ee xilli ciyaareedkan.
Kulamada kale ee horyaalka waxaa la wada ciyaari doonaa galabta marka laga reebo kulanka caawa dhex marki doono Bari iyo Roma.
Ciyaaraha galabta waxay kooxaha isu arki doonaan sidatan:-
AC Milan ? – ? Bologna
Catania ? – ? Cagliari
Chievo ? – ? Lecce
Fiorentina ? – ? Udinese
Parma ? – ? Palermo
Sampdoria ? – ? Brescia.