Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda inay si dhaqso ah u qaaddo tallaabo”Anwar Warsame

Berberanews-Dhawaaqa muwaaddiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ka soo yeedhaya ee ku saabsan nolosha cidhiidhiga gashay, kadib markii ascaartii maciishaddu korodhay, iyada oo marka horeba shaqo la’aan baahsan waddanka ka jirtay waa arrin werwerkeeda leh.

Waxa aan ugu baaqayaa xukuumadda in ay si dhaqso ah u qaaddo tallaabooyin lagu xakamaynayo korodhka qiimaha quutal daruuriga iyo shidaalka oo waqti xaadirkan sal u ah dhammaan adeegyada nolosha lagama maarmaanka u ah.

Ganacsatada Somaliland oo kaalin muhiim ah kaga jira horumarka iyo adeegsiinta muwaaddiniinta Somaliland, waxa aan u soo jeedinayaa in ay horseed ka noqdaan samata-bixinta muwaaddiniinta ay saameeyeen abaaro iyo sicir-bararka is barkan.

Sida dhaqankeenna iyo diinteenuba ina farayso waxa aan muwaaddiniinta Somaliland ku dhiirri-gelinayaa in ay iska war-hayaan, isna gargaaran iyada oo dadka jaarka ah iyo kuwa ehelka ahba is kaalmaynayaan.

Waxa qoray Anwar Warsame
Guddoomiyaha Dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF)