Maansaynta Qur’aanka: Suuradda Al-Aclaa

Maxamed Xirsi Guuleed Macnaheeda Maanseeyey
Waa qaybtii afraad ee taxanaha #Maansokumacnaynta Qur’aanka ee barnaamijka KULANKA GOFAYNTA, oo xanbaarsan maansooyin cusub, oo uu allifay halabuur Maxamed Xirsi Guuleed, oo daahfuray halabuur suugaaneed oo cusub, oo xanbaarsan maansaynta macnaha Qur’aanka. Halkii macnaha ama turjumaadda Qur’aanka uu Maxamed ku sheegi lahaa tiraab, ayuu bilaabay in uu tix ku sheego. Si uu u soo dhaweeyo fahanka macnaha Qur’aanka.

Waa macnihii ee maaha in uu Qur’aanka maanso ka dhigay. Waa suuraddii afraad ee Maxamed macnaheeda u beddelo tiraab, waa na Suuradda Al-Faatixa oo Maxamed Macnaheeda Maanseeyey. Waxaa na wareysiga qaaday oo idin la socodsiinaya, Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare”.