Riyo rumowday! : Barkhad M Kaariye

Waxa qoray Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye
Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa

Mahad oo dhan waxa leh Ilaahay SWT. Muddo sannad iyo badh ah oo ku-dhaceeda, dedaalkeeda iyo caqabadeedahaba lahaa oo hawshani marxalado kala duwan martay kadib, 25 dhakhtar oo takhusus caafimaad baranaya, ayaa geeddigaasi bilaabaya. Waxay baranayaan sagaal (9) takhasus oo kala duwan oo badankoodu innagu yar yahay amma aynaan lahaynba. Hore waxay ardayda JSL ay imtixaanka ula geli jireen ardayda Itoobiya, taas oo caqabad ahayd, tiradii ugu badnayd ee heshaana 3 arday ahayd.

Miyaan ardaydeennu imtixaanka iyo qoondada waxbarasho ee caafimaad aanay dalkooda ku heli karin? Markaas ayey ahayd ka-jawaabidda waydiintaas inaan u hawlgalo. Iyadoo aragti ah baan u bandhigay Wasaaradda Caafimaadka, gaar ahaan Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo igala hawlgalay.

Hawshan oggolaanshaha Ilaahay ka sokow, ma qabsoonteen haddaan dhiirigelin, garab-istaag iyo dhaqaale ba aannu u hurin madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo kobcinta aqoonta iyo adeegyada bulshada horumarintoodu muhiim u tahay. Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Wasiir ilaa agaasime-waaxeedyo, looma kala hadhin taageeradeeda. Wasiir Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) baa isna u hagar-baxay oo aan u mahadcelinayaa. Waxa hambalyo mudan dhakhaatiirta u dhabar-adaygtay ee dedaal dheer kadib ku guulaystay.

August 2020 ilaa February 2022ka oo hawshan aanan ka nasan, maantaba Ilaahay mahaddii waa riyo rumowday. Waxa mahadcelin mudan dawladda Itoobiya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka, oo arrintan si hagar la’aan ah noogala shaqaysay, deeqdanna bixisay. Oggolaanshaha Ilaahay, ballankeennu waa muhiimad-siinta adeegyada bulshada, muwaaddin la taageero iyo dhallinyaro aqoon lagula tabco. Higsigaas oo badankoodu hirgaleen baannu ku metelaynaa oo ugu xilsaarranahay madaxweynaha JSL.

Waxa qoray Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye
Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa.