Siyaasi, wadaad iyo hantigoosi

Waxaa qorey ibraahin yuusuf hawd
Hadal aan hore u sheegay jeer kale aan ku soo celiyo. Inta aad cod iyo cudud lee dahay dadkaaga ka ilaali saddex qolo oo sida taariikhdu ina bartay dabci u leh in ay dadka dullaystaan oo dhiigmiirtaan. Waa siyaasiga, wadaadka iyo hantigoosiga. Dabcan weligeed waa ay jiraan siyaasi, wadaad iyo hantigoosi suubbani, laakiin waxa aynnu sheegaynnaa waa xaqiiqada guud ee taariikhda iyo waaqica dunida ku cad. Saddexduba wax ay ka shaqeeyaan in ay dadka iyo duunyadiisaba iyagu yeeshaan oo gacantooda ku ururiyaan. Saddexduba wax ay adeegsadaan xeeladaha khiyaanada, beenta, jahawareerinta iyo qaybinta dadka si ay iscaabbinta u daciifiyaan. Siyaasigu waddaniyad iyo dawladnimo ayuu ku baaqaa isaga oo inta badan ah nacabka kowaad ee waddaniyadda iyo dawladnimada, ciddii tuugnimadiisa iyo dulmigiisa ka hortimaaddana wax uu ku sheegaa khaa’in-waddan, dabadhilifle shisheeye iwm, kolka dadka intooda badani diidaanna wax uu is ku dayaa in uu bulshada nafsiyad ahaan qaybiyo oo koox la go’o. Wadaadku quluubta dadka ee diinta u nugul buu sida uu doono u gu ciyaaraa oo dantiisa maaddiga iyo nafsiga ah u sakhiraa, cidda ka hortimaaddana sida uu u la dhaqmo waa aynnu wada naqaan. Hantigoosigu damaciisa waalan ee iimaanyoognimada ah buu ku tallaalaa baahida dadka iyo noloshooda, dabadeed iyaga iyo jeebkoodaba yeeshaa, ilaa ay u ekaadaan xoolo irmaan oo isaga u xeraysan, ama addoomo isaga u soo shaqeeya lacagtana u keena. Saddexdaa arxanlaawe ayaa maanta reer Soomaalilaand u midoobay oo ka wada shaqaysta, iyada oo aan midkoodna midka kale yur odhanayn.

Haddana, iyaduba waa ayaandarro ee, saddexdaa dhiigmiirad waxaa awoodeeya dadweynaha wacyiga hooseeya oo mooda in ay iyaga u adeegayaan. Halistooda waxaa la ga ga badbaadaa feejignaan, dagaal iyo sharci adag oo la gu xakameeyo. Asalkaba saddex qariisadood oo dabiici ah oo qofka dabada ka erya waxaa la gu xakameeyaa sharci iyo awood ee kalsooni iyo samafilasho la gu la ma dhaqmo. Waa xukunka, lacagta iyo galmada.

Innaga oo wada og dulmiga, boobka iyo qabyaaladda uu siyaasigu Soomaalilaand ku hayo, oo og dhiigmiirashada ganacsatada waaweyn, wadaaddaduna wax ay noqdeen dawlad ku hoos nool dawlad kale. Wadaaddadu wax ay go’aanno iyo awaamir aan cidi u igman ka soo saaraan sida dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka loo maamulayo. Wax ay mamnooceen hannaanka bangiyada caalamku ku ka la shaqaysto iyo habka caymiska ee dunidu ku socoto, labadaas oo aan la’aantood Soomaalilaand cidi shilin maalgashi ah ku soo aaminayn. Taa wax ay u yeelayaan in ay difaacdaan bangiyo iyo shirkado ka shaqaysta is la waxa ay joojinayaan kuwaas oo ay is la iyagu lee yihiin. Tusaale ahaan habka ay iyagu maanta amaahda u bixiyaan ee u la baxeen “muraabaxa” dulsaarkiisu saddex iyo afar jeer buu ka sarreeyaa dulsaarka bangiyada ay ku sheegaan “ribawi”. Asal ahaan diinta Islaamku ribada wax ay u la dirirtay in aan qofka amaahda u baahan la gu sii cuslayn lacag kale oo aan ku iman shaqo iyo faa’iido ee la gu sii kordhiyay uun amaahdii awalba baahidu u geysay, waana is la ta ay maanta dadka ku dhiigmiirtaan wadaaddadu iyaga oo magacii ka beddelay.

Mid kalena waa doqonnimo. Sideedaba la ma oggolaado, sharciyada dawladuhuna ma oggola, in cidi danteeda gaarka ah kaa ga dhigto dan guud, ama maslaxaddeeda goonida ah kuu dhex galiso tii idinka dhaxaysay. Sidaa darteed waa kuu nacasnimo wadaad isagu ku shaqaysta habka dulsaarka oo ka hodmay in uu kuu fadwoodo in dalka hab kale la ga furi karo iyo in kale, waayo in uu oggolaadaa waa u nacasnimo, markaa labadiinna mid uun baa nacasoobaya. Soomaalilaand wax ay u baahan tahay hannaan dhaqaale oo casri ah oo ku beegan soona nuugi kara qulqulka hantida dunida, furfur iyo fursado iyo doorashooyin badan oo bulshadu hesho ka gana xorowdo gacanta adag ee kooxda tirada yar. Waa in dalka la ga saaraa habkan qafladda ah ee naaxiya dhiigmiiratada mar diimaysan marna dawladaysan ee bulshadii gaajada ku dilay.