Baarlamaanka Somaliland: Baabuurta Guuxooda ka dheeraysa

“Baarlamaanka Somaliland wuxuu noqday baabuurta guuxooda ka dheeraysa. Waxa uu toos u farogaliyey shaqadii fulinta ama Xukuumadda.
Waxa ay abuureen muranno sharci oo hor leh. Ma jirto wax la yidhaa kalsooni kala noqosho oo Barlamaanku awood sharci u leeyahay, ama amar toos ah oo ay madaxweynaha siin karaan.

Nidaamkeenna dawladeed waa mid Madaxweyne iyo ku xigeen, awooddana waxa leh Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Ma aha nidaam Baarlamaan oo awoodda Baarlamaanku leeyahay.    

Guddi-hoosaadka Golaha Wakiilladu maaha Hantidhawrkii Qaranka ee shaqadoodu waa korjoogtayn iyo xog ururin.

haddii la siyaasadeeyo wadashaqayntii hay’adaha qaranka ama la qalad fahmo awoodihii iyo kala madaxbannaanidii hay’adaha qaranka waxa lumaysa awooddii wada shaqaynayd.
Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaad mooddaa in goluhu hago, ee aannu isagu hagin. Markaad eegto tallaabadan maanta iyo tii warqaddii dacwad la noqoshada ee ay isugu jawaabeen xeer-ilaalinta.”

Waxa qoray siyaasi Nuuradiin Diini.