Waa SHARCI DARRO in eeddaysanne Maxkamad dembi ku weyday XABSIGA lagu sii hayo? 

Racfaan Xeer-ilaalin ma burinnayo go’aan siideyn maxkamadeed.

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye).

Salaam ka dib, waxaan jeclaystay inaan is-dul-taago waxa sharcigu ka qabo in eedeysanne maxkamada awooda u leh go’aamisay in la sii daayo, ka dib markii lagu caddeyn kari waayey dembigii lagu soo eedeeyey, taasoo ka dhigan inay xoriyadiisa u soo celisay, xaqna u leeyahay inuu albaabka ka baxo, inuu xabsi ugu sii jiro racfaan xeer-ilaalintu ka qaadatay go’aankii siideyntiisa.

Diinta islaamku waxay xoojisaa wadajirka ummada islaamka, waxaanay dhiirigelisaa talaabo kasta, ama ficilka loo qaadayo dhinacaa, haba yaraadee, halka dhinaca kale ay mamnuucday kala qeybinta wadajirka ummada islaamka, ama wax kastoo sii caawiya tafaraaruqa.

Go’aamada maxkamadahu ka soo saaraan dembi xafiiska Xeer-ilaalintu ku soo oogeen eedeysanne, waxuu noqdaan laba midkood; inay soo saarto go’aan ah in eedeysannaha dembigii lagu helay, isla markaana xabsi iyo waxii kale cuquubaad raaca ku xukunto ama waxay soo saartaa go’aan ah in eedeysannaha dembigii lagu waayey, isla markaana waajib tahay inay siideyso oo xorriyadiisa u celiso. Sida qodobada 122 iyo 123 ee Xeerka habka Ciqaabtu sheegayso; hoos ka eeg.

Qodobka: 122-Denbi ku waayida Eedaysanaha

Marka ay Maxkamaddu hesho, eedaysanahu in aanu ile ku noqon eedayntii lidka ku ahayd ee lagu oogay isaga waxay:

a)        ku dhawaaqaysaa xukunka  ku waayidda

b)        Iyadoo amraysa tallaabo kasta oo looga baahan karo Qodobka 76.

Qodobka: 123-Xukumidda Eedaysanaha

Marka ay Maxkamaddu ku hesho eedaysanuhu inuu galay ga eediisa lagu oogay, Gudoomiyaha Maxkamaddu wuxuu:

a)Maxkamadda oo furan ka sheegayaa qaabka ku xusan faqrada 3aad ee Qod: 120, in eedaysaanha denbiga lagu helay; iyo waxii la xidhiidha…

Hadaan u soo nqodo qadiyada Cabdimaalik Muuse Coldoon oo garsoore Maxkamadda gobolka Maroodijeex khamiistii ku dhawaaqday go’aankii kiiska lagu soo eedeeyey, oo u dhignaa in xeer-ilaalintu caddeyn ku filan u keeni weyday eedahii loo haystay Cabdi Maalik, kuna dhawaaqday xukunka ku waayida.

Taasoo loo baahnaa inay sida qoddobka 122 ee Xeerka habka Ciqaabtu dhigayo, inay amarto u celinta xoriyadiisa, isla markaana qofku albaabka ka baxo, taasoo keenaysa inaan xeer-ilaalin iyo booliiskii kale ilaalinayey shaqo dambe ku yeelan. Sida qodobka 76 dhigayaan;

Qodobka: 76-Hababka la Xidhiidha Ooditaanka Dacwadda Marka ay Dalbadaan Dhinacyadu

Garsooraha awoodda u lihi, marka ay soo goodho ogaysiinta go’aanka oodista dacwadda, si waafaqsan qaybaha farqada 3 ee Qodobka 72 waxa uu:

a)Haddii eedaysanuhu xabsi ku jiro, wxuu amarayaa in si degdeg ah loo sii daayo

b)Haddii eedaysanuha ay saarayd talaabooyin nabadgelyo oo waafaqasan tilmaamaha Qodobka 78, isla markiiba wuxuu amrayaa tirtiridda talaabooyinkaas;

c)Haddii eedaysanuhu uu ku jiro, damaanad:

i)Wuxuu amrayaa baabi’inta (tirtiridda) culayska dammaanadeed ee lagu waajibiyay si waafaqsan tilmaamaha farqada 2 ee Qodobka 59;

ii)Waxaa laga xoraynayaa dammiintaha dammaanadii waxaana loo celinayaa curaartii ka taalay Maxkamadda, si waafaqsan tilmaamaha xarafka a) farqada 1 ee Qodobka 61;

d)Haddii eedaysanaha lagu siidaayay sabab la xidhiidha mudo dhaaf ah xiligii uu xabsiga ku jiray, waxa uu amarayaa tirtirida shuruudihii la saaray si waafaqsan faqrada 4 ee Qodobka 47.

Xaalada Cabdimaalik, oo garsoore Maxkamada gobolka M/jeex Khamiistii sheegay in Xeer-ilaalintu caddeyn ku filan u keeni weyday eedahiisa, kuna dhawaaqday go’aanka ku waayida DEMBIGA. Haddaba, waxay bulshadu isweydiinaysaa ma SHARCI baa in muwaadin maxkamdii awood u lahayd qaaditaanka kiiskiisa ku weyday dembigii, ama Cabdimaalik weli uu xabsiga ugu sii jiro RACFAAN xeer-ilaalintu ka qaadatay go’aanka siideyntiisa

 Waa SHARCI DARRO, inuu xabsi ku sii jiro qof dembigii lagu eedeeyey maxkamadu sheegtay in lagu waayey, sida Qodobka 122 ee Xeerka Ciqaabtu ee sare uu dhigayana waa in xorriyadiisa loo soo celiyo, albaabkana ka baxo, isla markaana RACFAAN xeer-ilaalin qaadatay ma burinayo go’aankii siideyntiisa, waajibna kama dhigayo in xabsi lagu sii hayo inta kiiska laga racfaan qaatay maxkamada Racfaanku go’aan ka gaadhayso. Bal sii eeg  qodobka 115 ee xeerka Ciqaabta oo taageeraya aragtida sare;

Qodobka: 115-Amarka in dacwadda loo tirtiro Cadayn La’aan

1.Marka cadaymaha oogista la dhamaystiro Maxkamadda haddii ay u muuqato  in cadaymaha la soo bandhigay  aanay ku filayn in ay cadeeyaan denbiilenimadda eedaysanaha, xataa haddii ay wax cadaynayaan, marka eedaysanuhu ka codsado ama iskeedba, iyadoo marka hore waydiinaysa Xeer-ilaaliyaha haddiiba uu rabo in uu eediisa ka noqdo si waafaqsan Qodobka 112, waxay:

a)Amraysaa, iyadoo sababaynaysa  in  eeddaysanaha laga tirtiro eeda denbiilenumadiisa la cadayn kari waayay;

b)Waxay kaloo amraysaa talaabooyinka loo baahan karo ee Qodobka 76.

2.Amarkan lagu sheegay Qodobkan waxa uu u dhigmaa xukun sida ku xusan  ujeedada  farqada 3 ee Qodobka 13.

Haddaba waxa caado u noqotay xafiiska Xeer-ilaalinta in marka eedaysannahii maxkamadu ku weydo dembi ay ku dhawaaqaan inay RACFAAN ka qaateen go’aanka maxkamada?

Balse waxa isweydiin leh, RACFAANKA Xeer-ilaalintu qaateen miyuu tiritirayaa go’aankuu Garsooraha Maxkamadu ku siideysay eedaysannahii lagu waayey dembiga? Jawaabtu waa MAYA, sharciyan iyo Caqliyan labaduba  ma taageerayaan talaabadaa, balse waxuu noqday dhaqan ay muddo ku jebinayeen sharciga, kuna dulmayeen muwaadiniinta xafiiska Xeer-ilaalintu, isla markaana aad moodid in garyaqaanadda u dooda dadka la xidho tahli waayeen inay sifo sharci ah ku buriyaan ama ku hor-istaagaan in muwakalkooda maxkamadu siideysay lagu sii haysto xabsi.

RACFAAN xeer-ilaalintu ka qaadatay go’aan siideyn maxkamadeed, oon weli xitaa aanu si rasmi ah ugu diiwaangelin Kaaliyaha Maxkamadu markuu hubiyo inay waafaqsan yihiin shuruudaha qabashada racfaanka ee Xeer-ilaalinta, ma burinayo go’aankii siideynta maxkamadda, mana luminayo xuquuqdii muwaadinka xoriyadiisa loo celiyey  go’aankii maxkamada, mana jideynayo in xabsi lagu sii hayo muwaadinkii maxkamada horteed lagu caddeyn kari waayey dembigii lagu soo eedeeyey? Laakiin qofkii xoriyadiisa loo celiyey isagoo xor ah oo banaanka jooga ayuu dhegeysiga Maxkamada Racfaanka kaga qeybgeli doonaa. Sida Qodobka 18aad ee xeerka nidaamka garsoorku sheegayo, ka eeg hoos;

Qod. 18’aad Muddada Racfaanada  

1. Muddada racfaan qaadashadu waa (30) Soddon cisho kana bilaabmaysa, maalinta lagudhawaaqay go’aanka dacwadda ciqaabta, ama dhinacyada dacwadda madaniga ah iyo kuwa la bahda ahba la gaadhsiiyo oo laga soo saxeexo Nuqul xukunka ah, si waafaqasan Xeerka habka madaniga ah.

2. Qoraalka Racfaan qaadashadu waa inuu saxeexnaadaa, kuna cad yahay asbaabta racfaanku, haddii aanay asbaabta racfaanka keliftey ku caddeyn qoraalka, lagama qaban karo.

3. Rafcaan qaadashadu waxay noqon kartaa mid af ah ama ogaysiin kooban oo qoraal ah, waxaase waajib ah in kaaliyaha maxkamada laga rafcaan qaadanayaa diiwanka geliyo garmaqalkana ku qoro.

4. Waxa qoraalka racfaanka lagu hagaajinayaa xafiiska Kaaliyaha Maxkamadda

go’aankeeda racfaanka laga qaadanayo. Kaaliyaha qoraalka racfaanka ah loo dhiibay waa in uu u gudbiyaa, iyadoo gal-dacwadeedkii la socdo, Maxkamadda racfaanka loo qaatey.

5. Marka uu Xafiiska Xeer-ilaalinta guud Racfaan ka qaato Dacwadda ciqaabta, waxaa waajib ah in eedeysanaha lagu gaadhsiiyo Nuqulka Racfaanka ilaa (30) maalmood, laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka dacwada .

6. Haddii ay muddada Racfaanku dhaafto, hasayeeshee ay Maxkamadda Sare ama

maxakamadda rafcaanka ku qanacdo, asbaabta uu keeney dhinaca muddo dhaafku ku dhacay, way cusboonaysiin karaan muddada racfaan qaadashada Ugu badanaan muddo hal sano gudahood ah .

Ugu dambayn, garyaqaanada u doodaya kiiska Cabdi maalik waxaan u soo jeedin lahaa inay Maxkamada M/Jeex ka qaataan go’aankii kiiska Cabdimaalik, oo la tagaan xabsiga uu ku xidhan yahay muwakilkooda, ilayn maxkamadii xoriyadiisa way u celisee, sida qodobka 76 ee Xeerka habka Ciqaabtu dhigayso. 

Sidoo kale waxaan u soo jeedin lahaa masuuliyiinta hay’adaha Garsoorka, gaar ahaan Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Degmooyinka, Gobolada & Racfaanka inay difaacaan xuquuqda muwaadin kasta oo eedahii dembi ee xeer-ilaalinta soo gudbisay lagu waayey, isla markaana amraan inuu albaabka ka baxo, hadii Xeer-ilaalintu racfaan qaadatayna qofka oo xor ah ka qeybgalo marka la gaadhsiiyo wargelinta racfaankooda.

Waxaan ka codsanayaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare Md Adan X. Cali, oo runtii muddadii uu xilka hayey isbedel muuqda ku sameeyey nidaamka Cadaaladda dalka iyo ku dhaqanka sharciga inuu qaraar guud ka soo saaro inaan muwaadin maxkamada awooda u leh ku weyday dembigii lagu eedeynayey, dib loogu sii hayn xabsiga, oo xoriyadiisa aanu ku waayin rafcaan ay xeer-ilaalin ka qaadatay go’aanka lagu sii daayey, maadama aanu sharciga iyo caqli midna taageerayn talaabadaa.

Bulshada Somaliland waxaan kula talinayaa inay bartaan shuruucda dalka, si ay uga badbaadaan ku tacadiga xuquuqahooda ay u damaanad qaadeen.