Guddoomiyaha Barcelona oo Xaqiijiyay in Aannu Xaggaagan iibsanayn Paul Pogba

Guddoomiyaha Barcelona ee Josep Bartomeu, ayaa xaqiijiyay in aanay xaggaagan iibsan doonin Paul Pogba, kadib markii Juventus ku gacan saydhay lacag dhan 80 milyan euro oo ay laacibkan ku dalbadeen.

Waxa uu Josep Bartomeu xaqiijiyay in Pogba aannu xilli-ciyaareedka dambe qorshaha ugu jirin, balse suurtogal tahay inay iibsadaan xaggaaga soo socda, haddii ay Juventus isku af-gartaan qiimaha ciyaartoygan.

 

Waxa uu hadalka Josep Bartomeu soo baxay markii Juventus xaqiijisay in aannu Pogba iib ahayn, isla markaana aanay iibinayn laacibiinteeda ugu muhiimsan qiime kasta oo lagu dalbadana aanay aqbalayn.Pogba