Man United oo Muddaysay Xilliga ay Dhamaystirayso Heshiiska Morgan Schneiderlin

Manchester United, ayaa qoraal ay soo saartay ku muddaysay xilliga ay dhamaystirayso iibka Morgan Schneiderlin oo Southampton ka tirsan, kaasoo Lious Van Gaal iibkiisa aad u xiisaynayay.

Waxay kooxdan shaacisay inay rajaynayaa inay toddobaadka dambe dhamaystiraan iibka Morgan Schneiderlin, kadib markii ay Southampton heshiis hor-dhac ka wada gaadheen wada-hadal ay yeesheen.

 Morgan-Schn

Dhinaca wargeyska Manchester Evening News, ayaa qoray shalay in Van Gaal rabo inuu Morgan Schneiderlin ku daro laacibiinta Man United uga qaybgeleya kulamada saaxiibtinimo ee ay yeelanayaan.

Inkastoo aanay Manchester United caddayn qiimaha ay 25 jirkan ku iibsatay, hadana saxaafadda qaarkeed ayaa baahisay inay iibkiisa kaga baxday 25 milyan pound, isagoo lana filayo inuu heshiis shan sanno ah saxeexo.