Ragga Dhaadheer oo Guurka iyo Furriinka Kaga Deg-deg Badan Yihiin Dhiggooda Gaagaaban

(berbera)-Ragga dherer ahaan dhaadheer ayaa la ogaaday in ay hore u guursadaan, isla markaana furriinka ku deg degaan marka loo eego ragga gaagaaban oo inta badan aan furriinka aad u jeclayn sida lagu sheegay cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen dalka Maraykanka.
raga-dhadher
Waxa lagu ogaaday daraasadan in xaddiga furriink ah ee ragga gaagaaban ku kacaan uu aad uga yar yahay ka ragga dhaadheer, halka la ogaaday in ragga gaagaaban guursadaan inta badan haween aad u da’ yar.
 
“Cilmi-baadhistu waxay ogaatay in ragga gaagaaban lacagta ka shaqaysan og yihiin ragga dhaadheer, halka ragga dhaadheer inta badan dherarkooda iyo muqaalkooda ku soo jiidaan haweenka, furriinkana ku degdegaan,” ayuu yidhi Abigail Weitzman iyo Dolton Conley oo ka tirsan Jaamacadda New York oo cilmi-baadhistan samaysay.
 
Cilmi-badhayaashu waxay daraasadooda ka soo qaadeen cilmi-baadhis xagga dhaqaalaha ah iyo xog-ururino qoysaska Maraykanka lagu sameeyey laga soo bilaabo 1968kii ilaa hadda, iyagoo sheegay in quruxdu soo jiidasho keento, balse aanay xidhiidhka sii adkayn.
 
Daraasad hore waxay sheegtay in ragga dhaadheer inta badan jagooyinka sarsare hayaan, halka mid kalena xustay in ragga gaagaaban inta badan xagga lacagta ka shaqaysan og yihiin ragga dhaadheer.
 
“Ragga gaagaaban guurka iyo furriinku wuu ku yar yahay, marka loo eego kuwa dhaadheer oo hore u guursada, furriinkana ku deg dega, taasina ay keentay in uu mid kale hore u guursado,” ayaa cilmi-badhayaashu yidhaahdeen.
 
Sida daraasada lagu xusay ragga gaagaaban inta badan waxay lacagtooda u isticmalaan in ay isku qurxiyaan, halka labka dhaadheer haweenka ku soo jiita