Ciidammada Booliska Somaliland oo xidhay Fannaanada Ugbaad Aragsan

Hargeysa-(Berberanews)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaaccaawa xabsiga dhigay Fannaanada Ugbaad Maxamuud Cabdi (Ugbaad Aragsan).

War kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in ciidanku xidheen fannaanada oo ku eedaysan dhaqan xumo.

Warka kasoo baxay Booliska ayaa u qornaa sidan: “Ciidanka Booliska JSL ayaa  gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi  oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna  wanaagsan.

Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga.”