Halis caafimaad darro oo lagu sheegay dawada Cadayda-Digniin

Caafimaad-Dukumanti 35 ka kooban oo laga diyaariyey khatarta kiimikada ku jirta daawada lagu cadaydo, ayaa lagu sheegay inay sababi karto kansarka, taasoo dacwad ka dhan ah lagaga gudbiyey shirkadda soo saarta daawadaas ee la yidhaa Colgate Total.

 

Kiimikadan la dagaallanta suuska ilkaha gala ee dawada lagu cadaydo ku jira oo la yidhaa Triclosan, ayaa shirkadda soo saartaa xustay in ay tahay mid aan khatar lahayn, lana tijaabiyey sannadkii 1997kii, laakiin dukumantiga laga diyaariyey waxay muujiyeen in khatar badan oo kansar keeni karta ku duugan tahay kiimikadaas sida lagu daabacay mareegta Bloomberg news.

Dukumantigan oo ay diyaariyeen khubaro Maraykan ah oo ka tirsan xarunta yidhaa FDA, ayaa tibaaxay inay sababi karto kiimikada Triclosan kansarka, halka shirkadda Colgate sheegtay in kiimikadani khatar badan noqon karto haddii lagu badiyo daawada lagu cadaydo, balse caddaymaha la helay iyo daraasado cusub oo la sameeyey ayaa sheegay in kiimikadaasi khatar ku tahay ilmaha uurka ku jira.

colgate

“Dukumantiga bogagga badan ka kooban ee dhawaan la daabacay waxay su’aal geliyeen in shirkadda Colgate ku darto daawada lagu cadaydo xaddigii caadiga ahaa iyo in ay ka badiso, taasoo 17 sanno ka hor sheegtay inay tijaabo ka qaadday daawadeeda,” ayey saynisyahannadu u sheegeen mareegta Bloomberg.

Sannadkii 2010, ayaa arday sameeyey cilmi-baadhis uu ku doonaayey bal heeka ay kiimikada Triclosan hoos u dhigto bakteeriyada cuntada ku keenta inay sumawdo, waxa uu ogaaday sunta ku jirta daawada lagu cadaydo sidoo kale waxyeello u gaysato biyaha taranka.

“Waxaannu samaynnay nidaam lagu baadhayo in kiimikadaasi bulshada wax u geysato. Waan jeclaaday fikradda shirkadda ee ah in aanay waxyeello lahayn, balse markii aannu xayawaan ku tijaabinnay waxa ka soo baxay khatar aad u badan,” ayuu yidhi saynisyahan Thomas Zoeller oo la hadlayey mareegta Bloomberg.

Geesta kale, shirkadda Colgate waxay ku doodaysaa in dukumantiga 35 bog ka kooban aanu ilaa hadda caddayn in kiimikada daawada cadayga ku jirta aanay khatar u gaysan aadamaha, iyagoo xusay inay tijaabiyeen 80 xarumood caaifmaad oo 19,000 isticmaala daawada baadheen, soona baxday in aanay dhibaato lahayn.