Duruufii Calankayga: Maanso Waddani ah iyo Dabaaldegga 18 Mey

Maansadan waxa uu Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr , wuxuu kaga hadlayaa taariikhihii kala duwanaa ee soo wajahay calanka Somaliland sida ingiriiskii dalka haystay 1884 illaa 1960 iyo halgankii lala galay , koonfurtii lala midoobay 1960 illaa 1991 iyo hagardaamooyinkii laga la kulmay,iyo ugu danbayn dagaaladii qadhaadhaa ee calanka dib loogu helay, waa maanso dheer oo meelo badan taabanaysa,. waxa ay markii koowaad ka baxday idaacadda Radio Hargeysa 13kii Mey sannadkii 2005ta
 
tuducyadan  ayaanay ka koobantahay:
 
 
Inkastoo ay duniduba
Rug qudhoo la dego tahay
Way dacallo badantoo
Dadka qaar ba goob buu
Daayinkood ku uumoo
Ay kuna dambaabaan
Oo duunyadooda ah
 
Daw-dhaaf qof fala iyo
Daandaansi ruuxliyo
Dulmi lagama waayee
Dawladaha reer Yurub
Duullaanka culus iyo
Damaaciga kolkii ay
Dunidaba ku boobeen
Ee ay doobinaayeen
 
Delhi iyo Kalkaatiyo
Dahoomay Galbeed iyo
Riyo-diijineeriyo
Dalas iyo Amriikiyo
Sidhni Daarwin bari iyo
Dooxada Mambaasiyo
Doddoomada Tansaaniya
Daaraasalaam iyo
Delta Niilku leeyiyo
Aag Dimishiq tahay iyo
Dahraan iyo Kuwayt iyo
Dejla iyo Tehraan iyo
Akra iyo Dakaar iyo
Dhulka daafihiisaba
Markii ay degeeneey
Dusha sare ka haysteen
Dulligii gumaysiga
Markay daadihinayeen
Dadkeennii midaysnaa
Diin qudha ku wada jiray
Diirkiyo ushiisii
Dubka midab masaysnnaa
Dugulkiyo madawhaa
Afka hadal ku darishaa
Isku duubnidoodii
Way daciifiyeenoo
Dubcadlii gumaystuhu
Soomaali dalal iyo
Degelluu u qaybshoo
Badhba dawlad gaaraa
Damiin looga dhigayoo
Dabar loogu xidhayoo
Xadna loogu dayroo
“Dul ka maamul” lagu yidhi
 
Doco kala fadhiistoo
Diridhaba Itoobiya
Dikhil sheegay Faransiis
Koonfur waa la duufsaday
Waxa dafay Talyaaniga
Dadkaygiyo dhulkaygana
Daacuflii u weynaa
Ingiriis ayaa degay
Macdantiisa dihin iyo
Daldalaayay luulkana
 
Kolkaasuu Darwiishkina
Dugsi malaha gaalkuye
Ka damqaday xad-gudubkiyo
Dulinnimada Biritayn
Jihaad buu diyaarshoo
Dirir buu abaabulay
Koofil waa ki dooxee
Dul madoobe dhigayee
Ka dul tiriyay gabayada
Kolkii xigayna danabyaal
Jaamici digriilaa
Kufrigii dareershoo
Dawgiisi mariyoo
Idinka Alle dabadii
Iblayskii ku yidhi “duul”
 
Laakiin dedaalkaas
Lagu didiyay gaaladu
Wax ma tarin dadkiisee
Shay taas ka  sii daran
Dibiyaabu dhalay yaab
Calankiina daadays
Daad iyo jar buu maray
Intaan didiyay good baan
Dabiib mooday halaqoon
La darsoon la jaaroo
Intaan dayrshay riis baan
Mid kaloo ka sii daran
Maan korodhsan derejee
Ku aaminay dalkaygii
 
Kayn doog leh iyo maadh
Oo daristu simantoo
Nimco lagu dhex daaqoo
Sagal uu ku da”ayoo
Dayr cadka iyo ayradu
Doobbiyada ku buuxshaan
Oo khayr ku dihinyoo
Cudurada wax dila iyo
Durro idil ka aamina
Shay diiq abuurana
Indhahaagu daarayn
Oo daayin hibo iyo
Ku manaysaty deeqoo
U wanaagsan dunidaba
Bartaas baan il-duufoo
Dalandool waxaan tegay
Meel dacawo joogtoo
Duurjoogta gooshiyo
Dawri aar u xarunoo
Dinaddiyo shabeelkiyo
Waraabuhu daf uu yahay
Aan dirirka roobeed
Waayo iman dushoodoo
Dabadheer la riiqmoo
Ugaadha iyo deeradu
Socdaal ay dareereen
Ka dawaaftay cawshuna
 
Doocaanka malabeed
Caanaha durduurta leh
Intaan daadshay oon qubay
Yaan dacar qadhaadh iyo
Waabay an doontoon
Dakhar baday naftaydoon
Ku doorsaday samaan xumo
 
Intaan dawlad wacan iyo
Doorasho xalaaloo
Dadku uu codeeyoo
Qof kastaaba dookhii
Ikhtiyaar la darisyahay
Iyo maamul doorloo
Danahaaga dhawraan
Dayacoon fogeeyoon
Dawo mooday nacaboon
Digtaatooriyaad iyo
Rajiim darayo weyn loo
Shacbigaba dullaystoo
Danahiisa dhawrtoo
Ku durduriya uunkoo
Xuquuqda dumiyoo
Heeryana dul saartoo
Kaligii digleeyoo
Aan diir naxaynoo
Naxariisna duugoo
Sun noo sii diyaarshaan
Degellkiisi ugu tegay
 
Tixdaydaas daboolka leh
Duur xulkiyo tilmaantaas
Daaha aan ka qaadoon
Daliishoon caddeeyee
Dacartaas an sheegiyo
Dabadheer abaartaas
 
 
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.