Cilmi-baadhid: Waxa laga Yaabaa Mustaqbal-ka Dhaw In Dawada Cancer-ka Laga Helo Hawada Sare (Space)

Hay’ada NASA…..The international space station (ISS) oo ah Hay’ad Caalimya oo Cirbixisa Dayax-gacmeedka Hawda sare loo diro. Hay’ada Ayaa Dayax-gacmeed ay dirayso waxa ay raacin doontaa 6 million oo unugyo Cancer ah, kuwaas oo laga soo jaray qof aad u Xanuunsanaaya oo cudurku kaga dhacay Qanjidhada, sidaa waxa Shir-jaraa’id ku sheegay Khubaro Danish ah oo ka socotay Jaamicada Aarhus oo ku taala dalka Denmark.  

Saddex cisho ayey ku gaadhayaan xarunta hawada sare
Habeenimada isniinta Qiyaastii ilaa 22.58 wakhtiga Denmark ayaa Dayax-gacmeed-ka la saarayaa unugyada Canser-ka sida. ILaa saddex cisho ayuu Dayax-gacmeed-ku ku gaadhayaa xarunta hawada sare.Yoolka laga leeyahay waa in la baadho falcelinta unugyada Cancer-ka sida, marka la geeyo hawada sare ee bilaa culayska ah, taasoo aqoon ballaadhan  ku soo kordhin doonta daaweynta cudurka Canser-ka.
Culays la’aanyta ay leedahay Hawda sare ayaa dhab ahaan unugyada Cancer-ka ku keenaysa, inay u dhaqmaan qaab ka duwan marka culays jiro ee ay dhulka joogaan, taas ayaana Ahmiyad wayn u leh Cilmibaadhista Cencer-ka.
Isbeddelka habdhaqanka unugyada
Unugyada ayaa caadi ahaan lagu Program gareeyaa in ay is dilaan, laakiin isma dilaan. Halkii ay iska dili lahaayeen ayey qaybsamaan, taas oo keenta, in cudurkii Cancer-ku sii fido. Laakiin meesha aanu culays jirin (Hawda Sare) isbeddel ayaa ku dhacaya hab dhaqanka unugyada Cencar-ka.
Tijaabooyin hore ayaa muujiyay, in Boqolkiiba 30 unugyada Cancer-ka ahi ay dhintaan marka aanu culays jirin ama Hawda sare la geeyo, marka loo eego meesha culays jiro ee ay dhulka joogaan.
Dhimashada unugyada
Unugyada la geeyay hawada sare ee bilaa culayska ah ayaa inaga caawin kara in aynu fahano qaabka loo dardargelin karo dhimashada unugyada ee xaaladaha aanu miisaan-ku jirin. Waxa aynu og nahay, in uu arrintaas saamayn ku leeyahay Nafaqo (Protein) laakiin waxa inaga maqan aqoonta la xidhiidha sida uu saameeyo.
– Haddii aynnu arrintaas wax ka ogaanno, waxa loo isticmaali karaa horumarinta dawo cusub oo wax ka tarta Cancer-ka, ayuu shirka-jaraa’id ku sheegay Professor ku Takhasusay dawooyinka hawada sare , Mr.Daniela Grimm oo wax ka dhiga jaamacadda Aarhus oo ku taal bariga Denmark.
Muddo Bil ah ayaa lagu haynayaa unugyada Cancer-ka sida Hawada sare (Space)
Marka ay bil joogaan hawada sare ee Dayax-gacmeed-ku ku xidho xarunta hawada sare ee ISS ayaa unugyada dib loogu soo celinayaa kaabsal ku soo dhici doona badda fadhida meel ku beegan xeebta California. Markaas ayaa cilmibaadhayaashu ugu horrayn gudogelayaan baadhitaanka unugyada.
Natiijooyinka ayaa la filayaa inay ku soo dhamaandoonaan muddo sannad gudiheeya.
 
By: Osman Abdillahi Sool….. Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com
Source: Danish Radio (DR) 

http://www.dr.dk/Nyheder/Andre_sprog/English/2014/04/15/131008.htm