Steven Gerrard: Waa Muhim In Liverpool Ay U Soo Baxdo Champions League

Steven Gerrard ayaa u sheegay Sky Sports News inay noqon doonto wax aad looga niyadjabo haddii kooxdiisa ay weyso meesha diirada u saaran ee ah inay u soo baxaan Champions League oo ay ku dhameystaan afarta kooxood ee ugu sareysa horyaalka.
Liverpool-v-Norwich-Steven-Gerrard-Luis-Suare_3046359
Kooxda Brendan Rodgers ayaa hogaanka u heysa Premier League waana markii ugu horeeysay ee ay Liverpool hogaanka u qabato waqtiga ciida gaalada tan iyo 2008dii markaasoo ay ku guuldareysteen inay horyaalka ku guuleystaan oo ay kaalinta labaad ku dhameysteen.
 
Gerrard ayaana sheegay in hamiga Anfield inuu yahay inay ku soo laabtaan Champions Leage.
 
Laakiin kabtanka ayaa rajo ka qaba in Liverpool ay ka yaabsato dad badan oo ay ku guuleysato horyaalka.
 
Waxa uu yiri: “Waxaan qabaa haddii aan ku dhameysano meel ka baxsan afarta kooxood ee ugu sareysa in markaas ay inoo noqon doonto xilli ciyaareed niyadjab ah.
 
“Tayada aan kooxda ku heysano iyo sida aan ku bilaabanay xilli ciyaareedkan, waxaan fursad weyn u heysanaa inaan ka mid noqono kooxaha u soo baxaya Champions League, haddii aan boosaskaas ka sibxano qof walba ayaa ku niyadjabaya.
 
“Waxaa inoo fure ah inaan ka mid noqono afarta kooxood ee ugu sareysa horyaalka.
 
“Waxaan qabaa inaan nahay koox horyaalka u tartameysa haddii aan hogaanka heyno iyadoo 10 kulan ay horyaalka ka harsan tahay. Ma doonayo inaan israaciyo ama bedelo meesha diirada inoo saaran madaama aan si xoogan ku bilaabanay.
 
“Kalsooni ayaana ku qabaa asxaabteyda inaan awoodno inaan ka yaabsano dadka qaar xilli ciyaareedkan.”