FIFA oo ku dhawaaqday boroor diiq loo sameynayo Nelson Mandela

Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Adduunka Blatter ayaa tacsi u diray shacbiga reer Koofur Afrika iyo kuwa qaarada Afrika geeridii ku timid Abihii Afrika Nelson Mandela.

347475_heroa-540x374 (1)

Nelson Mandela ayaa ku geeriyooday da’da 95 jirka isagoo ahaa halyeey la soo dagaalamay Gumeystihii cadaanka ah ee heystay dalka Koofur Afrika.

Sidoo kala waxaa uu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize ee Nabada.

Blatter ayaa sheegay in  Mandela uu ka mid ahaa dadka jecel Kubada cagta sidaasi darteena loo baahan yahay in loo sameeyo tacsi ciyaar kasta oo duninada ka dhaceysa.

FIFA ayaa ku dhawaaqday in daqiiqado aamusnaan loogu baroordiiqo hogaamiyaha geeriyadooday kulamada todobaadkan ee qaarada Yurub Sida Horyaalada Premier League, La Liga iyo Serie A.

Ciyaartoy badan oo ayaa u tacsiyeeyay Madaxweyne Nelson Mandela.