Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo dalka ka bilaabmay Talaalka Dabaysha

Caafimaad-(Berberanews)-Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta ku shaacisay inuu guud ahaan dalka ka bilaabanayo talaalkii dabaysha ee caruurta ka yar shanta sanadood.

Dr. Cali Sheekh agaasimaha Caafimaadka Guud ee wasaaradda caafimaadka oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradaasi ayaa ku dhawaaqay in talaalkaii dabayshu uu Somaliland ka bilaabanyo 19 bisha November socona doono ilaa 23 isla bishan aynu ku jirno.

dabaysha

Agaasimaha oo ay wehelinayeen saraakil ka tirsan wasaaradda caafimaadka iyo Dhakhaatiir waxa uu xusay in talaalkani gaar u yahay caruurta da’doodu ka hoosayso shanta sanadood, waxana uu ugu baaqay bulshada Somaliland inay ka faa’iidaystaan mudada uu talaalku soconayo. Halka sidoo kalena uu uga mahadnaqay hay’adaha had iyo goor la dhinac taagan wada shaqaynta dhinaca talaalka sida Hay’adaha WHO iyo UNICEF.

Berberanews.com

info@berberanews.com