Duruuf iyo dareen caashaq!!! W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi (Dalxa)

Waa laba marxaladood oo isku gudban oo mid koodba kan kale uu saameyn ku leeyahay dhinac kasta taabaneysa. Waxaanu shaki ku jirin in awoodaheenu ay yihiin kuwo inta badan xaddida rabitaankeena iyo hamigeenaba waayo inaad meel ama rabitaan aad rabto aad gaadhaa waa mid marka horeba ay caqabad ku tahay heerkaaga mustawiyeed ee nolosha aad kaga jirto.
Waxaa laga yabaa in mararka qaar aad noqoto qof dabarada duruuftiisu qasab kaga dhigto inaad ka tanaasusho waxaad rabtay inaad hiigsato ama uu hadafkaaguba ahaa, taaso adiga ahaan naftaadana ku beeri karta boholyow.DALXA
Hadaba dareenkan caashaqu waa marxallado ama waa mawjaddo uu noole kasta oo nooli soo maro waqtiguu doonaba ha soo waajahee, waana shayga keliya ee dhadhan san u sameeya nolosha iyo wadaageeda. Waa dareen ka abuurma hindise ahaan aragti qoto dheer leh iyo rabitaan xoogan.
Waxa inta badan loo nisbeeyaa inuu yahay mid dadka tirada yar ee uu haleelo u horseeda inay la god galaan dareenkooda iyo qofkay u hayeen, waana marxaladda adag in qof dareenkaasi ku hayo si sahlan aad uga go’daa adigoo aaminsan in uu yahay qof keliya ee noloshaadaba dhisi kara farxadeeda.

Waa kaalin ku qaali ah dhalinyarrada abuurta dareenadan guurkooda ka hor si ay u sii dhidbaan tiirarka ay ka dhismi doono noloshooda mustaqbalka ee ay rajaynayaan inay ka heli doonaan midho san oo ay ku kobciyaan dareenkoodan si uu u sii waaro,noqdana  mid aan raadkiisu ku baabi’in si sahlan.

Waa xaqiiqa in noloshu ayna ka maarmin ruuxay kal iyo lab ahaanba u raacday, ha raacdee ama yaanay ka maarmine ma tahay noloshaasi mid dhib iyo dheefteedaba dadka raba inay abuuraan dareenkan ay ugu samraan marxallad kasta oo ay la mushaaxdo ileen rabitaankaagu waa mid markasta ku xidhan inaad ka soo baxdo imtaxaanka laguu qariray si aad ugu guuuleysato nolosha aad rabto.
Duruufuhu waa caqabado ka mid ah in inbadan oo dadka mucaashaqiinta ah gacamahooda dib u laabtay, markii ay arkeen in aaanay haybsanba Karin ruuxay naftoodu raacday amaba ay jamatay taaso ay sabab u yihiin aragtiyaha kala duwan ee ay aaminsan yihiin bulshadeenu.
Dadkeenu waa kuwo ku kala duwan dhinacyada nolosha iyo dhismaheeda, waxaana laga yaabaa qaar kamid ah dadkeenaasina ay yihiin kuwo cidtiqaadsan in nolol lagu unko aduun iyo maal qofkii ka madhana uu yahay qofaan xaq ba u lahayn inuu helo nolol lamaanenimo.
Taasaa hadaba noqotay daruufta indho badan oo mucaashaqiinta hoos u laabtay, iygoo ku qancay in aanay hiigsanba Karin halkay niyadoodu ahayd waayo haddii aad nolosha isku dhiibto oo aad isku qanciso in aanad meel ba gaadhi Karin ogow weligaa ma gudbaad tahay.
Waa dhibaato laxaad beelisay rajadii ay qabeen jiilal badan oo damcay inay nolol la qeybsadaan garabyadooda, si ay u helaan nolosha iyo dhadhankeeda macaan ee uu alle dhex dhigay adoomihiisa si ay isugu xasilaan.
Waxaa muuqata in aragtiyaha bulshadeenu ay sabab u yihiin daruufaha qaar nolosha xaddiday oo ilaa manta loo haysto seeska ay noloshu ka hindisanto la’aanteedna aanay suurobeyn, taasina ay noqotay mid ku dhaqmideedii joogtada ahayd  ay inagu abuurtay in waxyaabaha qaarkood caadaba inaga noqdaan. ‘Allaw sahal amuuraha’
In nolosha guurkii ay noqoto mid lagu dhiso maal iyo aduunyo habeenkeliya lagu baabi’iyo ma mid diinteeena iyo dhaqankeena ka mid ah baa mise waa wax aynu gacmaheena ku beernay?
In dhalinteenii kuwada hamiddo wiil\gabadh dibaha ka yimid ma go’aan da’yarteenu ku dhashay baa mise waa mid ay waliidiinteena qaarkood ku abuureen ubadkooda ?
Arrimahan iyo kuwo kale oo badan baa la odhan karaa waa duruufaha manta dhalinteena kaga gudban inay la nooladdaan garabyada ay calmadeen, waa dhaqamo maxsuuladdii ka soo baxay ay yihiin kuwo laga dhaxlay qodobadan soo socda;

Waxa laga dhaxley  
In da’yarteenii baddaha kuwa qarqoomaan markaad noloshii sidaa u turjumaney
In da’yarteenii kuwada hamidu inay iyago nafahooda baadiyaan
In da’yarteenu ay noqdaan kuwo ku hamiya waxyaabo kale markaad ku qanciseen in aanay waxbaba hiigsan Karin.
Iyo qodobo kale oo badan oo aan kaa rajaynayo inay kugu jirto, ila rumeysan tahayna dhibaatooyinka baddi ka soo wajaha dhalinyaradeena dhinacyada abuurid dareenka caashaqa ay yihiin kuwo ay horsed u yihiin bulshadeenu.
Duruufaha badan ee caashaq ama dadka abuuraya soo wajaha marka laga yimaado gacanta ay ku leedahay bulshadeenu, waxa kale oo jira kana mid ah duruufahaas caqabada ku noqday dareenkan waa shaqo la’aanta haysta dhalinyarradii, iyagoo aanay jirin cid daneeyeysa baahidooda.
Waxa kale oo kamid ah durufaha dareenkan maanta caqabada ku noqday qabiilka iyo qabyaladiisa, waxaad arkaysa lamaane dhan oo noloshaba iska xushay misna midkood lagu yasayo nasabkiisa iyo in aanu u qalmin gabadh ama wiilka garabkiisa ah, waana aragti dad badan ka dhaadhacsan in dadka qaar aanay u qalmin inay nolol la abuuraan qofkasta oo ay damcaan.
Lama soo koobi karo ama kama gayoon karno haddi lays yidhaahdo ha la soo koobo duruufaha dareenkan iyo dadkiisa waayo waxa dhici karta inuu inala jibaaxo dareeno kale oo raad ku leh nolosheena iyo qaybo ka mid ah cilmiyad ku yaxaluuqa dareenadeena.
Waxaanse ku soo afmeerayaa Ma jirto cid kaga qurux badan inay nolol la abuurto qof ay jamata ama dareen caashaq u galay waayo noloshu waxay u baahan tahay dad iska xushay qeyrkood, ee  maaha ku dhisan

qasab, maal iyo nasab.
Email: ridwaan_99@hotmail.com