Maxaa sababay in cudurka dabasha laga tallaalo dadka waaweyn?

Hargeysa-(Berberanews)-Golaha Wasiirrrada xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la siiyey shalay tallaalka ka-hortagga cudurka dabaysha (Polio), iyadoo lagu guda jiro olole la xidhiidha in cudurkaas laga tallaalo da’ kastoo ka mid ah bulshada Somaliland, maadaama xannuunkaasi ka dillaacay degaanno ka mid ah dalalka Geeska Afrika.
Golaha wasiirrada oo shirkoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Madaxtooyada shalay, ayaa kulankaas xubin kasta oo wasiirrada ka mid ah waxa lagu siiyey labada dhibcood ee lagaga hortagayo cudurka dabaysha.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo ku xigeenkiisa marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka qaybgelayey fadhiga golaha wasiirrada ee shalay, ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay ka qaataan oo ka faa’iidaystaan tallaalka cudurka dabaysha oo ah mid da’ kasta laga tallaalayo, kadib markii dhowaan kiis cudurka dabaysha ah lagu arkay Somaliland, gaar ahaan degaannada Gobolka Sool.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa fadhiga wasiirada gudihiisa farriin gaar ah oo ku saabsan qaadashada talaalka uga dirtay haweenka Somaliland, iyadoo ka dalbatay inay ka faa’iidaystaan fursaddan muhiimka ah ee lagu yaraynayo, lagulana dagaallamayo waxyeellada uu keeni karo cudurka dabayshu, waxaanay dumarka ka codsatay inay naftooda iyo carruurtoodaba ka tallaalaan xannuunkaas.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa isaguna ugu baaqay guud ahaan bulshada Somaliland inay gacan siiyaan hawsha tallaalka oo ah mid faa’iidadiisu ka dhexayso guud ahaan ummadda Gobolka Geeska wada degan, gaar ahaan qayb ka ah qorshayaasha ilaalinta iyo daryeelka caafimaadka shacabka Somaliland, isagoo ku sifeeyey tallaalka la siiyey golayaasha qaranka mid lagu muujinayo ahmiyadda uu u leeyahay dadweynaha laguna dhiirrigelinayo ka qaybqaadashadiisa.


Cudurka dabaysha (Polio), ayaa ka mid ah cudurada halista ah ee sababa dhimashada iyo naafanimada, kaasoo markii hore loo haystay inuu ku dhaco carruurta da’doodu ka yartahay shan sanno jir, balse sannadkan 2013, ayaa magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya lagu arkay qof weyn oo cudurkaasi ku dhacay, iyadoo arrintaasina sababtay in cudurka dabaysha laga tallaalo dadka waaweyn iyo carruurta.
Berberanews.com
info@berberanews.com