Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha dawladda Federaalka Somalia

Ku:- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Og:- Shacabka Somaliland.

Og:- Shacabka Somaliya.

 

              Ujeedo:- Madaxbanaanida Iyo Jiritaanka Somaliland Waa Muqadas:-

 

Waxaa ii sharafa Madaxweynow in aan kuu soo qoro warqadani aniga oo kuu haya xushmad iyo sharaf.

Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud:-

Jamhuuriyada Somaliland waa qaran xor ah lana siman qaramada kale ee caalamka waad ogtahay Somaliland in ay xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska UK,taariikhda 26juun 1960 ayna noqotay qaran xor ah.

Waxaa dhacay midow dhacay 1dii july 1960,taasi oo ay midow aan sharci ahayni dhexmaray Waqooyi iyo Koonfur midowgaasi lama sameynin Afti dawdweyne si loo ogaado inta ogol israaca(Mar hadaan Afti laga qaadin shacabkii somaliland in ay rabaan ama diidaan midowga waa sharci daro midawgaasi).

Madaxweyne waad ogtahay in midowgii shaqeyn waayey dhibaato weynina dhacay lana kala tegey dagaalo qadhaadh ka dib.

Madaxweyne shacabka Somaliland waxay dib ula soo noqdeen xoriyadoodii luntay waxayna go’aansadeen gooni-isu-taagooda taariikhda 18 may 1991.

Madaxweyne gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waxaa lagu ansixiyey afti dadweyne ( Waa Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland) waxaa ogolaaday in somaliland noqoto qaran xor ah oo madax-banaan 97% shacabka somaliland.

Madaxweyne eeg Qodobadan Dastuuriga ah:-
Qaybta 1aad
Xubinta 1aad
Tilmaanta Guud
1- Qod. laad: Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland
2- Qod. 2aad: Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland
3- Qod. 3aad: Magaalo-madaxda
4- Qod. 4aad: Jinsiyadda
5- Qod. 5aad: Diinta
6- Qod. 6aad: Afka
7- Qod. 7aad: Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka

 

Madaxweyne Waxaan kaa codsanayaa in aad qaderisid , xaqna dhawrtid Qaranimida iyo jiritaanka Somaliland aynuna ahaana laba dal oo jaar ah oo walaalo ah,waxba ma tarto colaada iyo isnacu madaxweyne.

Mudane Madaxweyne waxaan ku xasuusinayaa in aysan weligeed gorgortan geleyn Qaranimada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland,Wada hadalada aad kula jirtid maamulka siilaanyona uusan khusayn waxna ka bedeli karin  Qaranimada iyo Madaxbanaanida shacabka somaliland go’aansadeen.

 

Madaxweyne Waxaad iga gudoontaa salaan wacan(SCW), shacabka somaliland iyo shacabka somaliya waxaan u rajeynayaa barwaaqo,nabad iyo badhaadhe.

 

Yusuf Cabdilahi Janaale

Muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Somaliland.