Frank Lampard: Wax Weyn Ayay U Ahaan Laheyd Chelsea In Jose Mourinho Soo Laabto

lanbad
Frank Lampard ayaa aaminsan in Jose Mourinho oo ku soo laabta Chelsea inay wax weyn u ahaan laheyd kooxda.
Tababaraha reer Portugal ayaa seddex xilli ciyaareed oo guul ah ku qaatay Stamford Bridge ka hor inta uusan albaabka ka bixin bishii September 2007.
Haatan oo ku dhawaad lix sanno laga joogo waxa ay u muuqataa in Mourinho uu ku laabanayo London iyadoo la hadalhaayo inuu ka tagayo Real Madrid.
Lampard ayaa qeyb muhim ah ka ahaa guulihii Mourinho ee Blues, waxaana uu haatan sheegay Lamps inuu soo dhaweyn doono soo laabashada Special One.
“Waxaan qabaa inay wax weyn u ahaan laheyd kooxda” ayuu yiri. “Waa tababare guusha saaxiib la ah, wax weyn ayayna u aheyd laheyd koox walba uu ku biiro.
“Waa adag tahay in laga hadlo iyadoo xilli ciyaareedka uu weli socda islamarkaana tababaraha uusan halkaan joogin ama weli la xulan.
“Hore ayaan u arkay warar la isla dhexmarayo, islamarkaana tababare kale uu albaabka ka soo galayo, sidaasi darteed ma ogid waxa kaa horeeya.
“Laakiin hubaashii waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu waa weyn hadii uusanba aheyn tababaraha ugu weyn kubada cagta caalamka.”