Marwada koowaad ee Somaliland oo shahaadooyin gudoon siisay 21 Umuliso oo tababar u xidhmay

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiisay kow iyo labaatan haween umulisooyin ah oo in mudo ah waxbarasho ku qaadanayay Jaamacada Hargaysa.
Hadal ay munaasibadaasi ka jeedisay Marwada Madaxweynuhu waxa ay tilmaantay dareenkeeda ku aadan aqoonta umulisa-nimo,maadaama hooyadu tahay wershada wax soo saar ,waxaanay kula dardaarantay xubnaha haweenka ah ee dhamaystay Waxbarashada Caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee Umuliso-nimo inay ku dabaqaan hawlahooda shaqo isla markaana ay uga faa’iideeyaan haweenka kale ee aan aqoon xirfaddan.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamud “Xuseen Xoog” ayaa ku bogaadiyay hay’ada TEHT,doorka ay ku lahayd hirgelinta soo saarida haween aqoon u leh umuliso-nimada.
Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo wax ka qabanaysa hawlaha adeega caafimaad gaar ahaan umulisooyinka oo uu xusay inay kaalin weyn ku leeyihiin nolosha mujtamaca,isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay sidii mar walba loo sii kobcin lahaa aqoonta waxbarasho ee haweenka xirfadan ku adeega ,waxaa kale oo uu u mahad celiyay Drs Edna Aadan Ismaaciil oo door mug leh ku lahayd Waxbarashada haweenkan .
Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Hargaysa.

Berberanews.com

info@berberanews.com