Ma Dhaqankii ayaa Dastuurkii Wadanka Hafiyey mise waa maqluub?

A/fidhinle
London
 
Waxaa Dastuurka Somaliland Qeexayaa shuruudihii uu urur ama xisbi waliba uu ku soo xulan lahaa Musharixiintiisa degaanka ama Musharaxa isu soo sharaxaya jagada madaxweynaha. Waxaa iyaduna jirta Somaliland Siyaasiyiin badan oo la tuhmayey oo ku meeha naaba ( Weynu ka gudubney Hab beeleedkii oo waxa aynu u gudubney habka xisbiyada badan) Taasina waxa ay hada noqotey Beeneey Waa Run!
 
Maadaama ay soo dhawdahay Doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee Somaliland , maamulka golaha degaankuna uu yahay meesha ay ka bilaabanto maamul-wanaagu. Waayo marka Degmadu is wanaajiso, Gobolku is wanaajiyo ayaa wadankuna wanaagsanaanayaa. Hadaba waxaa hada jira Wel-wel aad u badan oo ay muujiyeen waayo arag iyo aqoon yahano badan oo reer Somaliland ahi,  Maadaama  xilkii xulashada shaqsiga isu soo taagaya golaha degaanka loo daayey Beelihii degaanka, ururadii iyo xisbiyadiina ay ileyn ma diidi karaan nin Beeli wadato’e ay Shaanbad uun taladoodii noqotey.
 
Waxaa halkaa ka cad in mar hadii Dhaqankii lagu noqdey oo Dastuurkii la naaxin waayey in dib loogu noqdey Hab Beeleed oo dhawaanahanba sanqadhiisa aynu wada maqalney. Waxaa halkaa ka muuqata in tiirarkii uu ku taagnaa Dimuquraadigii curdinka ahaa in loo siibay dhidibadii yaraa ee uu ku taagnaa. Waxaa halkaa ka muuqata in aan muwaadinka reer Somaliland aanu weli helin xaqii iyo xoriyadii uu ku dooran lahaa shaqsi tayo leh oo xalaal ku yimaada doorashada kaas oo  degaankiisa wax u qabta.
 
Hadaba waxaan muwaadininta reer Somaliland ee Jecel in Degaankooda iyo wadankooduba uu hore umaro aan u soo jeedinayaa in ay ku sifeeyaan musharaxa ay la doonayaan in uu degaankooda  ka soo baxo in uu lahaado sifooyinkan iyo shuruudahan soo socda:
 
SIFOOYIN: Waa in uu musharaxu Amin iyo Daacad ahaadaa, Waa in uu ahaadaa run-sheeg isku kalsoon, Waa in uu ahaadaa masuul  dulqaad iyo geesinimo huwan, Waa in uu ahaadaa shaqsi leh, karti, hufnaan iyo  waa aragnimo uu degaanka wax ugu qabto, Waa in uu ahaadaa xaq dhawr cadaalada u gar-gaara, Waa in uu ahaadaa shaqsi raxiim ah oo u gar-gaara kuwa tabaaleysan ee tamarta yar iyo kuwa laga tirada badan yahay. Waa in uu ahaadaa sharci ilaaliye ku eekaada shaqadiisa loo igmadey.
 
SHURUUDO: Waa in uu ahaadaa shaqsi aqoon ku filan leh taas oo ufududeyn doonta hawlaha loo igmadey, waa in aanu aheyn shaqsi khibrad yar oo hore loo soo tijaabiyey , kaas oo huwan ( bad track Record). Waa in uu ahaadaa shaqsi madax-banaan oo aan ku xidhneyn shaqsi gaar ah, beel gaar ah, jilib ama jifo gaar ah  ee uu ahaada shaqsi u siman dadka iyo dalkaba. Waa in uu ahaadaa hawlkar u hura naftiisa waqtigiisa, aqoontiisa iyo kartidiisaba. Waa in uu lahaadaa ama uu haystaa maal ku filan nolol maalmeedkiisa oo aanu aheyn shaqsi soo doontey maal iyo mansab uu ku noolaado.Waa in uu ahaadaa shaqsi wata diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban.
 
Waxaan Shacabweynaha Reer Somaliland aan Dareenkooda Taabsiinayaa in ay iska qabtaan oo ay iska ilaaliyaan oo si qoto dheer uga fiirsadaan in aaney marnaba u foodin Shaqsiyaadka aan Mabda’a laheyn, afmiishaarada, laba -wajiilayaasha,kuwa ku caan baxey musuq-maasuqa hantida qaranka, kuwa leh baal madow iyo boogo hore, ee ka soo qayb qaatey dagaaladii  sokeeye oo is leh waa la ilaawey.
 
Waxaan shaqsiyan qabaa hadii aan lagu dhererin musharax kasta  Sifooyinka iyo Shurrudaha aan kor kaga soo dhawaajiyey in tayadii musharuxu ay aad hoos ugu dhici doonto mar labaad sidii kuwii hore, ka dibna aynu hadana dib u fuuli doono Buudhiga gawaadhi  ay  wadaan wadeyaal aan garaneyn goobtii ay kirada  u sideen ama uu ku eekaa socodkoodu.
 
 
Walahum aclam , wa Bilaahi towfiiq,
A/rahman Fidhinle
Intensive Personal Advisor
UK.   London