Dhakhaatiir ka socda Cusbitaalka Wareega ee Imaaraadka oo adeegyo caafimaad ka fulinaya Burco

Burco-(Berberanews)-Wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Imaaraadka carabta gaar’ahaan cusbitaalada wareega (Mobile Hosbitals), ayaa maanta soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kuwaasi oo doonaaya in ay fuilyaan adeegyo caafimaad.

Weftigan ayaa wakhtigii ay joogeen maagalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kormeer ku soo maray cusbitaalka weyn ee magaaladaasi iyo qaybihiisa kala gadisan si ay u indho indheeyaan dadka bukaanka ah ee cusbitaalkaasi jiifa.

Masuuliyiinta Hay,adaas ayaa waxa ay shegeen in ay markay Kormeerkaas dhamaystaan ay soo degi doonaan Magaalada Burco isla markaana ay la iman doonaan Qalab casri ah oo Gaadiid saaran oo ay ilaa tuulooyinka ay dadka ku soo dawayn doonaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in Cidii aan halkan wax lagaga qaban karin ay Dalka imaaraadka u qaadi doonaan,Kormeerkan oo uu ku weheliayay hay,adan Badhasaabka Gobolka Togdheerr Cabdoo Axmed Aayir ayaaa waxa indhahooda kusoo arkeen dad ay xaaladooda Caafimaad aad u liidato waxaanay ugu danbayn warbixin ka dhegaysteen Agaasimaha Cusbitaalka Magaalada Burco C/qaadir Xaaji Muuse oo ka war bixinaya Cisbitalka ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa .

“Cusbitaalkani waxa uu ka koobanyahay sadex qaybood ,Cisbitaalka TB da Cisbitaalka waalida iyo Cibitaalka Guud,Cisbitaalkan Guudna waxa uu ka koobanyahay Qaybta Dumarka,Qaybta Caruurta,Qaybta qaliinka iyo Qaybta Dawada,waxa kale oo uu leeyahay Tiyaatar,Shaybaadh iyo Emergency,Waxaana Guud ahaan Cisbitaalka ka hawlgala Sadex iyo Toban dhaqtar iyo Todobaatan Neeras ,Sariiraha yaalaana waa Boqol iyo Sodon Sariirood,waxaana Cisbitaalka Iska kaashaday wasaarada Caafimaadka iyo Hay,ada MSF oo naga caawisa waxyaabaha Degdega ah , Dawadana iygaa keena, waanan u baahanhay qaliinka iyo wixii kale ee Caawimo ah,” ayuu yidhi Dr Cabdiqaadir.

Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Cabdiraxmaan Heeliyo oo u mahadnaqay booqashada waftigan ee Somaliland waxaanu u balan qaaday in ay gacan-siindoonaan hadii ay dalka imanayaan wasaarad’ahaan .