Mario Bolatelli Oo Xulkiisa Italy Ku Hogaamiyay Faynalka Euro 2012.

Italy (Berberanews Sports):- Ciyaartii aadka loo wada sugayay ee dhex maraysay Xulalka Italy Vs Germany ayaa caawa waxay ahayd ciyaar aad loo sugaya Natiijadeeda ayaa ku soo dhamaatay Italy 2-1 Germany.
Ciyaariyahanka Mario Bolatelli ayaa ahaa Halyeygii Ciyaarta waxuuna Xulkiisa Italay ku hogaamiyay Finalka Euro 2012.

Super Mario ayaa Goolashiisa waxuu dhaliyay Qeybtii hore ee Ciyaarta Daqiiqadihii 20 iyo 36 ayuu laba gool mid madax ah iyo mid shuut ah ayuu hogaanka ciyaarta ugu dhiibay xulkiisa.
Ciyaarta ayaa ahayd mid inta badan looga gacan sareeyay Xulka Germany balse Dhamaadkii Ciyaarta ayeey Xulka Germany la soo baxeyn Weerar Xoogan.
Dhamaadkii Ciyaarta ayaa Rikoodhe loo dhigay Xulka Germany Waxaa Dhaliyay Özil taas oo Natiijada ka dhigtay Italy 2 1 Germany.
Xulka Italy ayaa 44 sano kadib waxaa la odhan karaa afka ayuu u saaran yahay in uu mar kale hanto Koobka Euro oo ugu dambeysay1968 oo uu qaaday Koobkaan waxaana haatan Finalka uu la ciyaarayaa Xulka Spain oo xalay soo baxay.
Finalka Koobkaan Euro 2012 ayaa waxaa la ciyaarayaa 1-da July waxaana ku balansan Xulka Difaacanaya Koobkaan ee Spain Iyo Xulka Italy.Guusha uu gaadhay xulka Italy ayaa ka dhigaysa tii siddeedaad ee isku xigta oo aanuu xulka Jarmalka ka badin.
Waxaana meesha ka baxday saadaalin ahayd in xulka Jarmalka uu ciyaarta finalka la dheeli doono xulka Spain oo rikoodhayaal kaga soo gudbay kulanka Finalaha,  Weeraryahanka kooxda Man City Balotelli ayaa dhamaadkii ciyaarta la bedelay kadib markii uu muruq booday, hase yeeshee tababaraha xulka Jarmalka ayaa qaybtii dambe bedelay Mario Gomez iyo Toni Kroos iyadoo sidoo kale dhamaadkii ciyaarta soo geliyey Muller.

Double trouble: Mario Balotelli scores his second goal of the match after an Italian counter attack
Head boy: Mario Balotelli nodded Italy in front with his second goal of the tournament
Head boy: Mario Balotelli nodded Italy in front with his second goal of the tournament
Chase down: Germany's Mesut Ozil closes in on Italy's Federico Balzaretti
You're not getting past: Germany's Holger Badstuber stops Italy's Andrea Pirlo in his path
Mustafe Maxamud ‘Kastam’
Kastam@berberanews.com
Berberanews Sports