Zlatan Ibrahimovic Oo Beeniyey Wararka Sheegaya Inuu U Dhaqaaqayo PSG.

Italy (Berberanews Sports):- Zlatan Ibrahimovic ayaa wareysi uu bixiyay ka dib ciyaartii xalay ay xulkiisa Sweden kaga badiyeen Serbia waxa uu beeniyey wararka sheegaya in loo soo bandhigay lacag aan laga jeesan karin si uu ugu biiro Paris Saint-Germain.
Waxaa aad la isla dhexmarayaa in ciyaaryahanka ku guulaystay xilli ciyaareedkii dhamaaday gooldhalinta Italy ee Capocannoniere inay xiisaynayso kooxda ay iska leeyihiin qoyska reer boqor ee dalka Qatar ee PSG.
Waxaa jiray warar sheegaya in Milan miiska loo soo saaray dalab 40 milyan ginni ah, waxaana warkaasi sii shiday markii Andraino Galliani uu dhawaan booqasho ku tagay caasimada Faransiiska.

Si kastaba, ka dib markii Sweden ay 2-1 kaga badisay Serbia xalay, Ibrahimovic ayaa qashinka ku shubay wararkaas.
“Wax ka run ah haba yaraatee ma jirto” ayuu u sheegay Gazzetta dello Sport.
“Wax badan ayaa laga hadlay mustaqbalkayga, lakiin kaliya waa warar iska xan ah”
“Waxaan ahay ciyaaryahan Milan ah, waana ku faraxsanahay kooxda” ayuu hadalkiisa ku koobay.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports