Sir Alex Ferguson Oo Ugu Hambalyeeyay Manchester City Hanashada Horyaalka Premier League.

England (Berberanews Sports):- Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa ugu hambalyeeyay kooxda ay ficiltamaan ee Manchester City hanashada horyaalka ee Premier League.
Lakiin tababaraha reer Scotland ayaa sidoo kale uga digay City in United ay soo laaban doonto xilli ciyaareedka soo socda iyadoo ka awood badan sida ay hada tahay.
“Anigoo ku hadlaya magaca Manchester United waxaan ugu hambalyeeynayaa hanasha horyaalka Manchester City” ayuu yidhi Ferguson.

“Ma ahan horyaal ay fududahay in lagu guulaysto, cid walba oo ku guuleysatana waa ay u qalantaa, sababtoo ah waa shaqo dheer oo adag”
United ayaa horyaalka ku guuleysan laheyd daqiiqadii 90aad. Madaama ay 1-0 kaga badiyeen Sunderland islamarkaana City lagu lahaa 2-1 kulankii ay QPR la ciyaarayeen.
Lakiin City ayaa labo gool dhalisay wakhtigii dheeriga ahaa, taasoo u sahashay inay ku guulaystaan horyaalkooda ugu horeeyay tan iyo 1968dii.
Ferguson ayaa yidhi: “Ilaa iyo inta ay doonaan ayey City socon karaan. Waana waxa aad ka filan karto, lakiin taariikhda ay kooxdu leedahay ayaaa meel fiican dhigeysa”
“Waxaan qabaa inaan leenahay taariikh hodan ah oo ka fiican koox kasta, waxaana ay ku qaadan doontaa qarni inay soo gaadhaan heerka taariikhdayada”.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports