Arsenal Oo Lagu Soo Waramayo Inay Heshiis La Gashay Rennes Oo Ku Aadan Yann M’Vila.

England (Berberanews Sports):- Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis 17.7 milyan ginni la gashay kooxda Rennes oo ku aadan ciyaaryahankooda Yann M’Villa sida ay maanta qortay jariirada Faransiiska ka soo baxda ee Le Parisien.
21 jirkaan ayaa in muddo diirada u saarnaa tababare Arsene Wenger waxaana lagu wadaa inuu u saxeexo heshiis afar sanno ah.

Wenger ayaa ka hor inta aan la gaadhin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxa uu sii adkeynayaa kooxdiisa, isagoo la soo wareegay weeraryahankii kooxda cologna Lukas Podolski, halka M’Vila ay muuqato inuu noqon doono ciyaaryahanka labaad ee ay la soo wareegi doonaan.
M’Vila ayay u badan tahay in lagu soo dari doono xulka France ee Euro 2012 xagaagan, waxaan soo iibsashadiisa ay keeni kartaa in Arsenal ay ka caawiso inay sii ceshato Robin van Persie oo doonaya in kooxda horumarin lagu sameeyo ama hadii kale uu raadsado meel kale.
Lacagta ay haatan sheegeysa jariirada Faransiiska in lagu heshiiyay ayaa noqon karta lacag rikoodh ah oo ay Arsenal wax ku soo iibsato madaama ciyaaryahankoodii ugu qaalisanaa abid uu yahay Andrey Arshavin oo 2009kii ay Zenit kaga soo iibsadeen 15 milyan ginni lacag lagu qiyaasay.
Mustafe Maxamud Diiriye
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports