Masuuliyiinta Caafimaadka Togdheer oo shir ku soo bandhigay dadka u geeriyooday Jadeecadda

05-May-2012-(Berberanews)-Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer ayaa ka warbixiyay tirada dhabta ah ee u geeriyootay iyo kuwa u jiifa xanuunka Jadeecadda oo ka dilaacay gobolka Togdheer todobaadkii u danbeeyay.

Masuuliyiintan caafimaadka ayaa sidaasi ku sheegay shir balaadhan oo bulshada lagu gaadhsiinaayay sidii xanuunkan looga hortagilahaa oo shalyto ka dhacay Hotelka Barwaaqo ee magaalada Burco oo ay ka soo qaybgaleen qaybaha bulshada sida culimadda ,waalidiinta ,dhakhaatiirta ,iyo laamaha Dawladda ee heer gobol iyo mid degmo.

“ Maanta in aanu iskugu kiin yeedhno waxa nagu kalifay runtii xaalada aynu ku jiro ee ah xanuunka Jadeecadda ee gobolka ka dilaacay ,runtii anigu intii aan gobolkan joogay wali maan arag xanuunkan oo soo rida dad baaxadan leh ama heerkan gaadha ,waxaana ay ku dhawyihiin dadka xanuunkani hayo ee cusbitaalka la soo gaadhsiiyay 400 Afar-boqol oo qof kuwaas oo Sedex ka mid ahi ay cusbitaalka ku dhinteen , Waxa kale oo iyana tiradan dhakhtarka la keenay ka badan dadka lagu daawaynaayo goobaha caafimaadka ee gaarka ah iyo kuwa danyarta ah ee aan meel la gaynin,” ayuu yidhi isuduwaha Wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr.Cabdi Yaasiin.

<
“ Sidaa awgeed ,horta xanuunka waxa keenay amar alle ,hadana waxa laynoo sheegay siyaabaha xanuunkan layskaga daweeyo ,jadeecadu waxay leedahay ka hortag balse ma laha daaweyn ka hortaguna waa talaal magaaladana waxa ku yaala gobo badan oo caafimaad oo laga bixiyo talaalka iyo kuwa wareega markaa waxa loo baahanyahay in xanuunkan layska talaalo,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Isuduwuhu.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Togdheer Mr .Cabdo-aayar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka dayriyay baaxada uu leeyahay xanuunka jadeecadda ee gobolka ka dilaacay waxaanu dadweynaha gobolka ku dhaqan usoo jeediyay in ay qaataan daawooyinka ka hortaga xanuunkan iyo kuwa kale-ba .Waxa kale oo badhasaabku dadka ka codsaday in aan la carqaladaynin ama aan la dacaayadaynin adeegyada caafimaadka ee xanuunka jadeecada laga hortago sida talaalka.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Duqa degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan ,maamulaha cusbitaalka Burco Dr. Cabdiqaadir Muruq-liqe, Marwo Saynab Yuusuf Siciid yo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin culimo awdiin waxaaney dhamaantood usoo jeediyeen dadweynaha gobolka in ay cusbitaalka soo gaadhsiiyaan dadka xanuunka jadeecadu hayo .